Sawiro: Wasiirka cusub ee Waxbarashada DFS oo la kulmay Wasiirka Waxbarashadda Puntland

Garowe (Pes) Wasiirka cusub ee wasaradda waxbarashadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac (ilko-Jiir) ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu booqday xarunta dhexe ee wasaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare Puntland.

Gen.Ilko-jiir ayaa waxaa booqashadiisa wasaradda ku weheliyay wasiirkii hore ee wabxarashadda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) waxayna kulan gaar ah la qaateen wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, ku xigeenkiisa iyo Agaasimaha guud.

Labadan masuul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xaalada waxbarasho ee dalka, guulihii sanadkan uu Cali Xaaji ka gaaray waxbarashadda Puntland iyo sanadkan cusub qorshaha waxa ugu jira.

Wasiir Cali Xaaji Warsame ayaa ka war bixiyay wixii u qabsoomay sanadkii tagay iyo qorshaha sanadkan, balse waxa uusan meesha ka saarin inay jireen caqabado soo food saaray oo qaarkood laga gudbay.

Wasiirka waxbarashada DFS Cabdilaahi Axmed Jaamac ayaa u mahad celiyay sida wanaaagsan ee uu wasiir Cali Xaaji Warsame u siiyay war bixin faah faahsan, wuxuna sheegay inay si dhow u wada shaqayn doonaan maadama Puntland ay qayb ka tahay dowladda dhexe ee dalka.

Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay dhibaatooyin ku qabaan wasaradda waxbarashadda DFS isla markasna hor istaagtay Aqoonsiga Shihaada Puntland ee dalka Uganda.

Heshiiskii ugu danbeeyay ee xukumaddii dhacday Cabdiwali Shiikh Axmed iyo Puntland wada galeen ayaa looga hadlay waxbarashadda dalka iyo DFS inay aqoonsato Shihaadada Puntland, balse sida uu dhowaan sheegay Cali Xaaji wali heshiiskaasi ma noqon mid hir gala.

DSC07826-524x393

DSC07827-524x393

DSC08027-524x393

DSC08030-524x393

DSC08040-524x393

DSC08044-524x393

DSC08047-524x393

DSC08048-524x393

DSC080381-524x393

DSC080421-524x393
Puntlandes.com

About The Author