“CALAN U LULKII C/WELI GAAS MAXAA CAATO LAGA QAADAY”!!

CALAN U LULKII C/WELI MAXAA CAATO LAGA QAADAY !!!”

                               “HAL  SANO  NAGU  FILAN”

Isbedel iyo Isbedel-doon waxay ahaayeen erayadii hareeyay gobollada Puntland sanadkii ina dhaafay iyo dhamaadka sannadkii ka horreeyay .

 

1420

Erayadaas haatan waxay noqdeen kuwo la eeday ka dib markii la soo taabtay xeerada salkeeda. Dadkii Isbedelka la sheegay taageeray ayaa maanta afka gacanta saaray ka dib markii ay si cad ugu muuqatay in Cabdiweli Gaas iyo Kooxdiisu noqdeen sahankii lagu hungoobay .

Maanta dadweynaha Puntland waxay indhaha ku hayaan maamulkoodii ay dhibta badan ka mareen dhismihiisa iyo difaaciisa oo u loogmay cadow iyo shisheeye muddo dheer doonayay inay helaan fursad ay ku burburiyaan Puntland iyo Dadkeeda.

Sannadkii lasoo dhaafay wuxuu noqday sannad madow oo reer Puntland lasoo deristay dib u dhac aan horay usoo marin ka dib markii talada dalka gacanta u gashay koox hammiga ugu way nee ay xambaarsan yihiin uu yahay dhaqaale abuur keliya.

1421
Waxaynu wada ognahay xaalada Gobolka Mudug ee maanta la doonayo in Cadaado caasimad looga dhigo, Xaalada Sool, iyo Sanaag iyo Fara-gelinta Somaliland, tan kale nabadgelyadii, dhaqaalihii, iyo siyaasaddii dalku waxay noqdeen kuwo jahawareersan oo aan lahayn hannaan dowladdeed oo la isku hallayn karo.

Madaxdii Ururka Alshabab ee xabsiyadda Puntland laga sii daayay , Qaraxyadda dib u bilowday, Mushahaar la,aanta hareysay ciidamada iyo shaqaalaha, dagaallada tooska ah ee kooxda Alshabaab ku hayso ciidamada dawlada waxay horudhac u yihiin barnaamijyo adag oo mustaqbalka dhow laga cabsi qabo inay u dallacaan dhacdooyin culus oo aan horay loo arag.

Intaas oo dhan waxaa kasii daran in Madaxweyne Gaas iyo Kooxdiisu aanay u muuqan halka ay ku socdaan, taasina waxay u baahan tahay in dadka Puntland ku baraarugaan Islamarkaana ilaashadaan maamulka ay harsanayaan oo soo ceshadaan karaamadii iyo sharaftii ay lahayd Puntland.

1422
Waxgaradka Puntland xil ayaa ka saran xaaladda dalka mana aha in lagu eegto Kooxda hoggaan xumida ku caanbaxday si arrintu aanay u gaarin meel aan wax laga qaban Karin.

Sanadkii ina dhaafay 2014 waxay dadweynuhu ka qaateen tilmaam iyo aragti ku filan in kooxdan aan lagu hallayn Karin masiirka iyo hoggaanka Puntland.

Waxaa baahi badan loo qabaa qabashada madal looga arrinsado aayaha dalka iyo sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin lagu daba qabanayo Puntland si Gaas iyo Kooxda qurbaha uga soo shaqo tegay Dadweynaha dalka looga qabto

 

DAREENKA DADWEYNAHA PUNTLAND.

About The Author