Baarlamaanka DFS oo aqbalay in Codsi uga yimid Raysul Wasaare Sharmarke

Baarlamaanka DFS oo maanta kulmay ayaa si weyn waxa ay uga doodeen Warqad Codsi oo uu usoo diray Raysul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirsashiid Cali Sharmarke.
Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa xildhibaanada u qeybiyay Warqada uu usoo qoray Raysul Wasaaraha, taas oo uu Baarlamaanka uga dalbanayay in ay siiyaan 14 maalmood oo uu ku soo dhiso Xukuumad si uu isbedal ugu soo sameeyo.

Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa dood ka yeeshay Warqada Codsiga ah ee katimid Raysul Wasaare Sharmark, waxayna ugu dambeyn Xildhibaanadu cod u qaadeen Codsiga uga yimid Raysul Wasaaraha.
Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen 202-Xildhibaan, waxaana codsiga Raysul Wasaaraha taageeray 190-Xildhibaan waxaa diiday 10-Xildhibaan halka ay ka aamuseen 2-Xildhibaan.

Raysul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hada fursad u haysta in uu soo dhiso Xukuumad cusub oo kasban karta kalsoonida Xildhibaanada Baarlamaanka iyo tan shacabka, waxaana la saadaalinayaa in ay meesha ka bixi doonaan xubno katirsanaa Wasiiradii uu dhawaan soo magacaabay Raysul Wasaarahu.

Akhriso warqadii Raysul Wasaare

1455

Puntlandes.com

 

About The Author