Lacag aruursiga Cabdiwelli Gaas doorashada 2016 (Xog hoose)

Hal sanno ayaa ka soo wareegtay xilligii maamulka dalka lagu wareejiyey  Madaxweyne Cabdiwelli  Gaas, mudadaas  uu majaraha dalka u hayey, waxaa dalka ka dhacay burbur baaxad weyn gaar ahaan xagga dhaqaalaha, nabadgelyada, difaaca xuduudaha Puntland, iyo horumarrinta arrimaha Bulshada.

Waxaa gebi ahaanba qarka u saaran inay istaagaan howlihii dalka ka socday ka dib markii  ciidamadii iyo shaqaalihii dowladda ay waayeen mushaaraadkoodii iyo xuquuqihii kale in ka badan 10 billood.Waxaa luntay isku xirnaantii ummadda reer puntland, waxaana meesha ka baxay doorkii tallo iyo hogaamin ee ISIMADA, Culumada iyo waxgaradka Puntland meel kasta oo ay joogeen.
Waxaa meel walba isku wareejiyey dhallinyaro aan khibrad aqooneed mid waayo aragnimo iyo mid hogaamin aan lahayn oo badankoodu ku soo fashilmay noloshii qurbaha kana soo yaacay Cayrtii ay qaadan jireen.
Guud ahaan  dadka reer Puntland ayaa waxaa soo wajahday mustqbal mugdi ah oo aan la saadaalin Karin waxa uu la imaan doono iyo saamaynta uu ku samayn doono nolosha iyo jiritaanka dadka iyo dalweynaha Puntland.
Waxaan markiiba faraha ka baxay haybadii dowladnimo, amnigii iyo kala danbayntii, waxaa la garan waayey halka ay martay dowladii  qaangaartay ee sokeeyaha iyo shisheeyuhuba ka haybansan jireen ee PUNTLAND…
Waxaa dalkii qarka u saran yahay in laga qaxo maadaama ay kooxdii argagaxisada Al-Shabaab soo buux dhaafsheen magaalooyinkii oo dhan, ayna suurtagal tahay in ay billo gudahood kula wareegaan magaalooyin waaweyn oo ay ugu horayso Bosaso, magaaladii ganacsiga ee Puntland.
Waxaa diyaar garow ku jira dhammaan hay’adihii caalamiga oo ku talo jira sidii ay uga bixi lahaayeen Puntland kadib markii ay soo shaac baxday qorshe amni- la’aanta iyo burburka weyn oo saameeyey hay’adihii amniga iyo nidaamkii danbaynta ee Puntland.
Waxaa bilaabatay in qofkii danta guud soo hadal qaada ama yiraahda war dalka hala babaadiyo in lagala baxo gurigiisa oo xabsiga lagu jir dilo.Sidoo kale qaar badan oo aan waxba galabsan oo nolol maalmeedkoodii la rafanaya in lagu xukumo khayaano qaran iyo xabsi aan loo meel dayin sidii dhawaan ka dhacday Maxkamada darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal !
Waxaa meesha ka baxday saamayntii siyaasada ee Puntland ay ku lahayd Soomaalida kale iyo qaab dhismeedka hannaanka federaalka, waxaana socda dalbalaarsi joogto ah iyo weeraro  lagu hayo xuduudihii Puntland waxaana laga qadiyey Puntland dhammaan qaybtii ay ku lahayd deeqaha caalamiga ah ee dib loogu dhisayo Somalia sida New deal ka iwm.
Waxaa la kala garan waayey saaxiibkii iyo cadowgii Puntland, waxaana dhacday in shakhsiyaad hore u sameeyey khayaano qaran oo qayb ka mid ah dalka iibsaday in ay maanta hor boodayaan  siyaasadda Puntland oo aad arkayso in ay xataa furayaan kal-fadhiyadii aqalka wakiilada.Waxaa sidoo la kala garan waayey yaa awooda dalka iska leh, ma madaxweynaha, ma ku xigeenkiisa, ma guddomiyaha Aqalka Wakiilada, misse dhallinyaradda ku soo qaxay Puntland ee ku wareegsan Madaxweynaha????
Masiibada ugu ballaaran ee illaa hadda aan la fahmi Karin waa arrinta ku saabsan dhaqaalaha dalka iyo sida loo isticmaalay.Waxaa la wada ogyahay in dhaqaalaha dalku uu sameeyey horumar ballaaran marka laga eego dhaq-dhaqaayada ganacsiga ee ka jira Puntland, mashaariicda horumarrinta iyo maalgashiga dalka lagu samaynayo.
Waxaa kaloo lawada ogsoon yahay in canshuurtii dowladdu gaar ahaan waxa loo yaqaan canshuuraha berriga iyo tan macaashul-macaashka ee soo xeroota bil kasta ay saddex jibaarantay.
Waxaa Maamulka Cabdiwelli Gaas uu canshuur  ku soo rogay iskoolada, macalimiinta, jaamacadaha, guryaha dadweynuhu degan yihiin, ilaa laga gaaro in canshuur lagu soo rogay koobka shaaha  ah.Nasiib darro weyn waxaa noqotay iyo wax aan la fahmi karrin in ayadoo canshuurtii  la qaadayo ay u badan tahay inay istaagaan shaqooyinkii dalka ka socday mushaar la’aan dartiis, in ciidamadii  dalka ka difaacayey cadowga Al-shabaab ay gaajo, mushaar la’aan iyo arad (dhar la’aan) ay uga soo baxaan furimiha hore ee difaaca, in ciidamadii boliiska iyo kuwa sirdoonku ay ka tagaan waajibaadkoodii kadib markii ay waaayeen  biilkii caruurtooda.
Waxaa nasiib daro ka weyn ah in Madaxweynaha iyo kooxdiisa  aysan u muuqan dhammaan  arrimaha aan kor ku soo xusnay, maadaama uusan ahayn hadafkiisu markii horeba horumarinta Puntland.Hadaba su’aalaha in badan dadka reer Puntland iswaydiinayaan waxaa ka mid ah:
  1. Waqti intee le’eg ayaa dadka reer Puntland ku fiirsanayaan Cabdiwelli Gaas iyo Kooxda qowlaysatada – burburinta dalkii dhisidiisa iyo difaaciisa dhibaatada badan loo soo maray?
  2. Xagee buu Mr.Cabdiwelli u lacag aruursanayaa? Yaase kula jira arrintaan ama ka caawinaya boobka lagu hayo hantida ummadda?
  3.  Maxaase dan ah oo ugu jirta inuu dalkiisa u burburiyo dan gaar ahaneed?10 kii bisha Janaayo 2015 baan nasiib u helay inaan diyaarad ka wada raacno Magaalada Gaalkacyo mid ka mid ah
wasiirada ugu muhiimsan maamulka Cabdiwelli Gaas kaasoo ku sii jeeday safar dalka dibediisa ah.In kastoo aanaan hore  isu aqoon wasiirka, hadana waxaa ii muuqatay inay tahay fursad weyn in aan bal xog waraysi la yeesho wasiirka oo daal badan iyo niyad xumo ka muuqatay, waxaana aan la fariistay kursigii daiyaaradda.Wasiirka baan waydiiday dhowr su’aallood oo salka ku haya dhibaadata dhaqaalle iyo maamul ee la soo gudboonaatay Puntland iyo weliba aragtiisa sida uu u arko xalka mushkiladahaan.
Wasiirka oo codsaday in aanan magaciisa ku xusin warbixintan ayaa wuxuu  iiga sheekeeyey xaqiiqada jirta wuxuuna  ku bilaabay:Madaxweynuhu ilaa maalintii xilka lagu wareejiyey  wuxuu xoogga saarayey sidii uu u uruursan lahaa dhaqaalle uu kaga qayb qaato suxul duubka uu ugu jiro doorashada Madaxweynaha sannadka 2016 ka ee Dowladda Federaalka Soomaliya.Wuxuu sameeyey urur loo yaqaan “Qurac Forum” oo ay ku midoobeen asxaabtiisa siyaasadeed xilligii uu Muqdishu ka ahaa Ra’iisul wasaaraha DFKG, waxaana ururkaan laga biilaa khasnadda Dowladda Puntland….waana qayb ka mid ah nasiib darada ku dhacday dadka reer Puntland , iyadoo ay hal qof isku noqdeen Madaxweynihii iyo Wasiirka Maaliyadda.Dhaqaalaha dalka soo gala waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood. Laba kamid ahna waxay toos ugu dhacdaa Accounti (xisaab furan) oo uu madaxweynuhu ku leeyahay banki ku yaala Dubai-UAE, waxaana uga masuul ah howshaas  Burhaan Diyo Miyo (Abdirahman Warsame) iyo C/nasir Biixi Soofe(agaasimaha Ciidanka Badda PL).Lacagtaas waxaa qeyb (share) ku leh Wasiirka Maaliyadda Mr. Shire Xaaji Faarax.Magacaabidii Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali sharmarke waxay ku ahayd mashruuca Madaxweyne Cabdiwelli dharbaaxo wayn, waxayna mugdi weyn galisay qorshihii Cabdiwelli Gaas ee Muqdisho 2016, waana sababtaas in Madaxweyne Gaas uu aad uga hor yimid magacaabidii CCC Sharkarke, uuna xataa diiday inuu u hambalyeeyo magacaabistiisii ka dib.Imminkana xiriirka labada nin aad buu u liitaa, maadaama CCC sharmarke uu ka dharagsan yahay mowqifka Madaxweyne Gaas oo dadaalka uu ka galay inaan marna loo magacaabin CCC ra”sulwasaare.Waxay tani keentay in maslaxadii  iyo rajadii dadka reer Puntland ay luntay, cadowgooduna ka faa’iidaysto maadaama labadii nin ee masuuliyiintooda ahaa xaalkoodu halkaas marayo…Mar haddii qorshihii 1aad (plan A) ee Cabdiwelli Gaas uu u muuqdo inuusan soconayn, muxuu yahay qorshaha 2aad ee Madaxweynuhu? Wuxuu rabaa cabdiwelli inuu lacagta uu ka aruursado Puntland uu ku soo saaro Madaxweyne ka soo Jeeda beesha xoogga ku haysata Muqdishu, sidaasna uuMadaxweyne Gaas ugu Noqda Ra’iisul wasaare sanadka 2016..Si kastaba ha noqotee, wuxuusan ogayn Cabdiwelli Gaas, in kooxda Damul-jadiid ee haysata Xukunka Muqdisho ay qorsheeyeen inay sanado ku darsadaan xukunka oo aysanba dhicin wax dooroshooyin ah sannadka  2016 ..Wasiirka ayaa ku soo gabagebeeyey warbixintiisa “Cabdiwelli waa Gafane ku naaxay hantidii dadka danyarta  reer Puntland iyo Canshuurtoodii, waana inay fadhiga ka kacaan dadka reer Puntland meel kasta oo ay joogaanba ayna iska fujiyaan Gafanaha nuugaya…”
 
“Aniguna ku laaban maayo Puntland  oo caruurtaydii  oo aan uga soo tagay qurbaha fog baan ku laabanayaa..Awalba waxaan halkaan u imid inaan hello xoogaa C.V ah, isagiina waan helay maadaama aan hadda hal sanno wasiir ahaa….in kastoo deyn badan  oo ay ka mid tahay guriga kiradiisa  iyo baabuurkii ii kiraysnaa la igu leeyahay,ciyaalkaygiina ay dayacmeen!” ayaa ka mid ahaa hadalada uu ii sheegey wasiirku.Intaas waxa ku dhamaatay warbixintii Wasiir ( X) uu kaga hadlay qorshaha lacag  uruursiga Cabdiwelli Maxamed Cali Gaas….Maxamuud Suleymaan
 
PFF-
Gaalkacyo
Daabacaada: Puntlandes.com

About The Author