Horta debagaaluhu muxuu bidhaamiyaa, Oo ka maqan? Weligaa ma isweydiisay? Sheeko xiiso leh

Pes: Waxa jirta murti soomaaliyeed oo leh: “Ragna waa raggii hore, hadalna waa intuu yiri”. Waana xaqiiq maalinba maalinta ka dambaysa sii rumoobaysa. Waxana ka marag ah, dhaqanka iyo afka soomaaliyeed haddaynu dib u eegno boqolkii sano ee u dambeeyey, waxaynu kala dhacnay mooyee, waxba uma aynaan soo kordhin. Tan kale, sida aynu la wada socono, dadkii soomaaliyeed ee hore waxay inta badan wax isku gaadhsiin jireen afka oo qoraal in wax lagu tebiyo ama lagu kaydiyaa, sida muuqata dhaqan uma aynaan lahayn. Laakiin xusuusta qofka soomaaliyeed ayaa ka dhignayd buugta ama qalabka casriga ah oo maanta wax laysugu gudbiyo, laguna kaydiyo. Marka sheekooyinka inaga soo gaadhey dadkeenii hore marka si deggan loo dhuuxo, waxay u badan tahay in qayb weyn oo ka mid ah la sameeyey kumanyaal sano ka hor oo hadday buug ku qornaan lahayeen waa hore daad iyo dabayli la tegi lahaayeen.

Aan sheekada u soo gudbee, waxa waa hore jirey baa la yiri oo meel cidla ah ku noolaa Hooyo iyo shan ubad ah oo ay dhashay oo agoon ah. Soomaalidii hore waxay sheekada ka samayn jireen oo jawaab uga dhigijireen mararka qaar wax dhaca oo aragooda ama maqalkooda ku batay amaba su’aalo kaga imanjirey carruurtooda. Waxa kale oo suurtagal ah in ay ugu tala galeen kortitaanka maskaxda carruurta, balaadhinta fekerkooda iyo aragtidooda iyo in ay aftahamo hadal iyo murtiba isugu jirta ku ababiyaan. Marka loo fiirsado sheekooyinka soomalida waxaad arkaysaa in wax waliba suurtagal yihiin, dad iyo bahal is guursanayaan, waxa jira oo dhamina hadli karaan.

Hooyada sheekadani ku saabsan tahay waxay dhashay baa la yiri oo ku curatay Dabagaalle, waxa kale oo ubadkeeda ka mid ahaa Marakudheg ama Maraboob, Ciyow, Qudunquuto iyo shimbirta Loxodgoysta la yiraahdo “Woodpecker”.  Maalin maalmaha ka mida ayaa habartii aad u xanuunsatay, waqti yar markay bugteyna  goor arooryo ah oo xoolihii markaa oodda laga rogey bay xijaabatey.

Wax isku beegay ma aqaane habarta waxaa la yiri waxaa la odhanjirey magaceeda Khaatumo Gegiroor. Meeshu waa cidla oo reerku deris ma leh, magocooda la waaga ay dhashayna tamar ay habarta ku aasaan ma leh.

Dabagaalaha oo u weynaa baa isugu yeedhay afartii kale, wuxuna si degdeg ah ugu qaybiyey hawlgalkii aaska habarta. Ciyowegii wuxu ku yiri war adigu waad cod dheertahay oo meel fog baa lagaa maqlayaaye qaylo roor tag oo ciidan habarta aasa raadi. Marakudhegtiina wuxu yiri adigu sida wax aadan lahayn loogu dhego ayaad taqaane raadi kafantii. Shimbirta loxodgoysta la yiraahdo oo iyadu reerka oodi jirteyna wuxu ku qaybiyey loxodkii in ay keento. Qudunquutadii oo uu malaha doqoniimo ku tuhmayayena wuxu yiri adigu halkaaga iska afdheerow oo maydka la sii joog.

Sidaa markii uuu hawshii ugu qabiyey bay afartiiba hal mar wada su’aaleen curadkii oo yiraahdeen oo dabagaale anaga shaqo noo dirtay e adigu maxabaasha ayaad qodaysaa? Dabagaalihii wuxu ku jawaabey maya oo anigu sanboor baan leeyahay oo habaaska iyo fidhada layma tusi karo e, waxa xabaasha qodi doona ciidamiska ciyowgu keeni doono. Wuxu inta raaciyey, anigu waxaan ku qaybayaa fiqigii habarta ku tukan lahaa.

Intaa markii lagu heshiiyey ayaa qudunquutadii oo maydka ku hadhay mooyaane afartii kale midba jiho u dhaqaaqay.

Soomaalidii hore waxay sheekadan kaga jawaabayeen:

  1. Waxa ciyowgu inta dhirta fuulo, ci u eg, ciidamow u yiraahdo.
  2. Waxa loxodgoystu dhirta u garaacdo, wax ay ka soo goosatayna aan abid loo arag.
  3. Waxa qudunquutada cideeda u ekaysiiyey baroor u eg qudhuntay, qudhuntay, qudhuntay.
  4. Sababta marakudhegtu maradii taabataba u qabsato.
  5. Iyo sababta dabgaaluhuu markuu xoogaa ordoba la cidhba taagasado.

Waxay marka inoo sababeeyeen shantaa arrimood oo aynu kor ku xusnay, tan kale, afartii baadidoonka tegeyba inkasta oo aanay weli ku guulaysan, geeridii habartana waqti badani ka soo wareegey, hadana dadaalkii halkii bay ka wadaan, oo maanta iyo maalintii hal maalin ma nasan. Laakiin ceebtoodii waxay noqotay garanwaaye hays daalinina, habarta subuxii idiinku dambaysey waqti aad u dheer baa ka soo waregey, mayd bayna ahayde.

Soomaalidii hore waxay sheekada ku soo xidheen qudunquutadii oo iyadu guri-dambayskii habarta ahayd aadna u jeclayd hooyadeed, maanta iyo maalintii habartu dhimatay, bartii lagaga tegey oo aan cidi ugu soo laaban bay ka qaylinaysaa, waxayna leedahay bay yiraahdeen “qudhuntay, qudhuntay, qudhuntay”.

1457

Dabagaalihii oo isagu curadka ahaa, waxay yiraahdeen soomaalidu, marka uu cidhba taagsado wuxu leeyahay keerow fiqi ma tahay? Run ahaantiina, inkasta oo isagu ahaa curadkii, hadana wuxu noqday curad baaqday. Sheekada iyo sida loo dhigay marka la sii dhadhansado, waxa ka muuqata in aan dirka habartu is dhaamin, oo xitaa dabagaalaha oo marna aan da’ u negeyn oo cimri joogey markii habartu dhimatay, shimbiraha iyo marakudhegtana in uu ka caqli badan yahay isu qabey isna ma quusan e weli calaacalo yar yar buu kor u taagayaa oo fiqigii buu raadinayaa. Wajiga dabada la dhece wuxu garan la’yahay, ar meeshii aad habarta kaga timi maanta lafana ma yaaliine iska naso, diintana ma laha iskuma fiicna oo ma garan salatul qaa’ib ha lagu tukado.

Hadaba, waa iga suaale, meel ma iska shabbahaan qolada ilma khaatumo oo weli dhaxantii iyo dayacii Eerigo fadhiya oo aan cidi ugu soo noqonayn iyo qudunquutada maydka lafihiina damabska noqdeen weli sugaysa in lala aaso oo qudhuntay, qudhuntay ku waalatay?

Mase idiinla eg yahay marakudhegtii kafanta doontay, midka North America, Canada iyo Europe ku meeraysanaya oo meel walba dadka dacalka haystaa?

Odayga gaaban, Cali “shut up” ee Nairobi iyo Xamar marba meel cidbataagsanaya oo maalin dhoweyd xitaa Cabdi qaybdiid fiqiga moodey, welina sida muuqata derbiyada dunsan ee Xamar marba qof kula faqaya oo kooxda damul-jadiid fiqigii habarta ku tukan lahaa ka raadinaya, curadkii khaatumo Gegiroor sidee isku yihiin?

Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)

Daabacaada: Puntlandes.com

About The Author