Xog: Raysul Wasaare Sharmarke oo dhisidoona Xukuumad 90% aysan ku jirin Wasiiradii tii uu la laabtay

Raysul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa wuxuu kala diray xalay Xukuumadii uu soo magacaabay 12 ka jan 2015, isagoo ka codsaday in uu Baarlamaanka DFS siiyo mudo 14 maalmood ah oo uu ku soo dhiso Xukuumad uu la tashi badan ka sameeyey.

Intaas ka dib ayuu wuxuu Raysul Wasaare Sharmake soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook qoraal uu kaga hadllayo arintaas iyo qorshihiisa ku aadan Xukuumada cusub ee uu soo dhisidoono.

Raysul Wasaare Sharmake ayaa qoraalkiisa ku bilaabaya ”Kadib Cabasho,Talooyin iiga yimid qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Xubnaha Baarlamaanka waxaan warqad u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamad Shiikh Cusmaan (Jawaari) oo aan kuxusay inaan dib ula noqday Golihii Wasiirada ee aan 12-bishan kudhawaaqay”

Raysul Wasaare Sharmake ayaa qoraalkiisa ku sii yiri ”Waxaan Gudoonka kacodsaday in 14 cisho aan helo si aan xukuumad kale usoo dhiso”

Ugu dambayntii ayaa Raysul Wasaare Sharmake wuxuu ku iftiiminayaa sida ay uga bedelnaan doonto Xukuumada uu soo dhisayo tii uu la noqday wuxuuna yir ”Fikradeydu waxa ay tahay in aan soo dhiso xukuumad 90% kaduwan tii horay aan usoo magacaabay”

RW:Soomaaliya Mudane Omar Abdirashid Ali Sharmarke

Xigasho : https://www.facebook.com/OmarAbdirashidAli

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author