Kulan looga tashanayo Dhismaha Wadada Bayla iyo Qardho oo la daahfuray.

Ujeedada kulankaan ayaa salka ku haysay sidii loogu qareemi dhismaha iyo dardargelinta wadooyin loo samaynayo deegaanada ku yaala bariga fog ee Gobolka Karkaar, si gaar ah waxaa kulankaan looga tashanayay sidii loo dhamaystiri lahaa qorshayaasha lagu dhisayo wadada isku xirta degmooyinka Bayla iyo Qardho oo isu jira 226km.

dhismaha wadaadaan ayaa waxaa dhagax dhigay madaxweynihiin hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kulanka waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyayasha degmooyinka Bandar-Bayla iyo Qardho, gudoomiyaha Gobolka Karkaar, Wasiirkii hore ee Amniga Puntland Cabdilaahi Saciid Samatar, odayaal dhaqan iyo masuuliyiin kale.

Ugu horayn duqa degmada Qardho Cabdi Saciid iyo Duqa Bandar-Bayla Saciid Ateeno ayaa goobta ka hadlay, waxay ka sheekeeyeen marxaladihii ay soo martay wadadaan, Labada gudoomiye waxay goobta ka balan qaadeen in cagcagfayada deegaanka iyo wixii dawlada hoose ay awoodaan ay ka qaybqaadaan doonaan bilawga dhismaahaan, waxay jaaliyada ugu baaqeen in ay kaalintooda ka qaataan.

Qaar ka mida isimada dhaqanka, xubno ka tirsan golayaasha deegaanka, duqa degmada Rako-raaxo iyo martidii kale ee kulanka ka hadlay waxay bogaadiyeen dadaalada socda, waxayna tilmaameen in wadadaan ay bilaw u noqon doonto dhulka gaariwaaga ah, qaarkood goobta ayay ka balan qaadeen waxa ay ka qaybgali doonaan fulinta mashruucaas.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdilaahi Maxamed Bare Caato iyo wasiirkii hore ee Amniga Puntland Cabdilaahi Saciid Samatar ayaa goobta ka hadlay waxay ka sheekeeyeen ahmiyada uu isku tashigu leeyahay,Wasiir Cabdilaahi Saciid Samatar waxaa uu sheegay in ay wadaan gudiyadii ka qaybqaadaan lahaa fulinta iyo dhaqaale ururinta mashruucaaan, waxa uu tilmaamey ahmiyada wadooyinka u leeyihiin kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo Puntland labadaba.

Gudoomiye Cabdilaahi Maxamed Barre Caato dhankiisa waxa uu fariin gaara ah u diray ardaydii 50kii sano ee lasoo dhafaay dugsiyada dhulkaan wax ku baratay oo maanta meelo tira badan ka shaqeeya, waxa uu sheegay in cilmi, dhaqaalee iyo taageero looga fadhiyo maadama dhulkoodii maanta uu u baahan yahay.

About The Author