Dhagayso: Booliska Gobolka Mudug oo weeraray Rag isbaaro u tiilay deegaanka Cagaaran

Gaalkacyo (Pes) Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ayaa maanta weeraray rag sida ay sheegen isbaaro u taalay meel ka sokeysay Deegaanka Cagaaran ee Gobolka Mudug. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhawaacmay 2 qof oo mid kamid ah uu aad u liito sida uu sheegay gudoomiye Kuxigeenka.

Gudomiye Ku xigeenka labaad ee Gobolka Mudug Axmad Muuse Nuur Yare ayaa sheegay in leysku dayey insi nabad ah lagu xaliyo arintan balse laga maarmi wayay in la weeraro goobtaasi.

“Dhowr siyaabood ayaa leysku dayay in loo xaliyo si isbaaradan loo qaado waxaa ku baxay Xildhibaano iyo odayaal balse kuma aysan guuleysan xalka howshan ” Ayuu yiri Axmad Muuse Nuur.

Dhagayso


Puntlandes.com

About The Author