Sawiro: Raysal Wasaare Sharmarke oo la kulmay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed

Raysul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Hayada Culimada Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirigeliyey hoggaamiyayaasha diinta in ay gacan ka gaysta sidii dalka looga saari lahaa marxalada uu ku jiro.

Kulanka Raysul Wasaaruhu la qaatay culimada ayaa la isku weydaarsadeen sida ugu habboon ee culimada diintu iyo dowladdu iskaga kaashan karaan wacyigelinta bulshada iyo la dagaalanka nabad diidka, wuxuuna sidoo kale la tashi kala yeeshay Xukuumadda cusub ee dhawaan uu soo dhisi doono.

“Waxaan la soconaa in culimada diintu ay yihiin kuwo meel sare kaga jir bulshada, loogana fadhiyo iney dadaalkooda ku biiriyaan halgankan dalka lagaga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Waana in shacab iyo dowladba u midownaa dagaalka, loona xasilin lahaa goobaha laga xoreeyey, loogana hortagi lahaa fikirka xagjirnimada ah. Waana muhiim ah in culimadu ay qaataan kaalintooda hoggaamineed” ayuu yiri Raysul Wasaare Sharma’arke.

“Kooxda Al-shabaab waa koox baadi ah, kamana turjumayaan u jeedooyinka iyo qiyamka sarreeya ee diinta Islaamka. Xukuumadda aan soo dhisi doono waxa ay balanqaadaysaa in ay kaalin mug leh siin doonto culimada si loo cirib tiro fikirka qalafsan ee kooxda Al-shabab. Kaalinta culimadu waxa ay noqoneysaa mid wax ku-ool, laf-dhabarna u ah horumarka dalka, waxaana kaalin mug leh laga siin doonaa talada dalka iyo go’aamada la gaarayo”

Ugu danbayntii, culimada Soomaaliyeed ee ka qaybgalay kulankan ayaa soo dhoweeyey talooyinka Raysal Wasaaraha. Waxayna sheegeen in ay diyaar u yihiin kala qayb qaadashada dowladda arrimaha nabad galyad, waxbrashada, caafimaadka, iyo wacyi gelinta dhalinta, waxayna kula dar daarmeen Raysul Wasaaraha inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dhamaystirta howlaha adag ee dowlada horyaala ka hor sanada 2016.

culumaadii  (1)

culumaadii  (2)

 

culumaadii  (3)

culumaadii  (4)

culumaadii  (5)

 

Puntlandes.com

About The Author