Akhri: Madaxtooyadda Puntland oo amar ku bixisay in dhowr Websayd hawada laga saarto

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland xafiiskeeda u qaabilsan warfaafinta ayaa lagu amray shirkadda Golis inay hawada ka saarto shan mareegood oo ay ku sheegeen inay dhibaatooyin iyo xumaan faafiyaanMadaxtooyada.

Amarkan Madaxtooyadu ku dalbatay inay mareegaasi hawada uga saarto ayaan loo addeegsan amar maxkamadeed, sidoo kale laguma soo wargalin xafiiska ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP iyo wasaradda Warfaafinta Puntland.

Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP oo maanta Qoraal soo gaarsiiyay saxafada  ayaa Cambaareeyay falka ay Shirkadda GOLIS ku xirtay mareegahan shanta ah, isla markasna ay ka hor imaanayso xoriyadda hadalka.

Qoraalkan maaha mid sha´rciga waafaqsan, wuxuuna la mid yahay Muwaadiniintii reer Puntland oo iyagoo Guryahooda iska jooga lagu ”Xukumay” 10 sano oo xarig ah. Dawlada uu madaxweynaha ka yahaya cabdiwali Maxamed cali Gaas ayaa waxay caadaysatay ku tumasho sahrci, ku tumasho xuquuqul insaanka, ku tagrifal dhaqaalihii dalka iyadoo bixin la Mushahaarkii Ciidamada iyo Shaqaalaha dawlada, iyadoo dalkii dayacday gacantana u galisay kooxda Cabdiqaybdiid ee madaxweyne Xasan.

Akhri qoraalka

1467

Puntlandes.com

About The Author