Daawo Video: Madaxweynaha Somaliland oo booqasho ku yimid maanta Magaalada Lascano

Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  iyo Weftigii Balaarnaa ee uu hoggaaminayay oo maalmahan booqasho ku marayey Gobolada Somalilnad ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Lascano ee Xarunta Gobolka Sool,

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa ayaa soo dhawayn ka dib waxay la hadleen shacabka reer Lascano iyagoo dadkii madaxweynaha soo dhaweyey ay ka mid ahaayeen Garaado, Cuqaal,, Nabadoono iyo Waxgarad kale.

Waxaa xusid mudan saxaafada taageerta Prof Galayr waxay maanta faafiyeen in uu Siilaanyo si dhuumasho ah ku soo galay Lascano goor habeenimo ah isagoo isla markiina ka noqday!!

Dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ee ay caadada u ahayd ”waan Argogaxnay” maanta waxay gabtay difaac iska daaye in ay xataa tiraahdo ”waan Argogaxnay” sidii caadada u ahayd.. Waxaa iswaydiin leh sidee ayey Garowe ku joogeen?

Daawo Video

Puntlandes.com

About The Author