Kooxda Gaadayare oo Khalkhal xun ku haya Gobolka Mudug

Gaalkacyo (Pes) Kooxda Gaadayare ee Afduubka u haysata Gabolka Mudug mudo dhan 25 sano ah ayaa waxay bilowday olele lagu Khal-khal gelinayo Xasiloonida Gobolka Mudug iyagoo ka faa’iidaysanaya Jilicsanaanta madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo waxa ka socda magaalada Cadaado ee loogu yeeray maamul loogu dhisayo ”Gobolada Dhexe.

1390

Plan A (qorshaha koowaad ee Kooxda Gaadayare) in ay Wasakheeyaan muwaadiniin Bulshada dhexdeeda sharaf iyo sumcad ku leh iyagoo u tusaya madaxweyne dad aan la aamini karin Qaswadayaal ah qorshahaas oo ah liiskii lagu dhawaaqay 13 kii jan 2015 oo lagu riday ”Xukun Beenaad”.  Plan B (qorshaha labaad ee Kooxda Gaadayare) in ay abuuraan isaamin la’aan bulshada Gobolka Mudug iyo Amni xumo si ay u helaan dad inta Xanaaqa aada Degmada Cadaado sheegtana in ay Ergo yihiin.

 

Maanta 21 jan 2015 waxay soo abaabushay Kooxda Gaadayare in weerar lagu qaado dhalinyaro Jidgooyo sharcidaro ah dhigtay deegaanka Cagaaran ee Gobolka Mudug.  Weerarkaas ka dhacay Deegaanka Cagaaran ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa wuxuu sababay dhimasho hal ruux oo ka mid ahaa dhalinyaradii Jidgooyada dhigatay iyadoo ay labo ka dhaawacmeen dhalinyaradaas.

1336

Weerarka waxaa Hogaaminyey taliyaha Ciimada Birmadka Gobolka Mudug Geb-Gebi oo xubin ka ah Kooxda Gaadayare. Qorshaha Kooxda Gaadayare waa in la abuuro kala shaki iyo Amnixumo.

Dad badan oo waxgarad ah ayaa Cambaarayn dusha uga riday waxa ay wadaan Kooxda Gaadayare iyo Gaagaab.

 

Puntlandes.com

About The Author