Daawo Video: Madaxweynaha Somaliland oo booqasho ku yimid Ganbadha oo Garoowe u jirta wax ka yar 100 km

Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  iyo Weftigii Balaarnaa ee uu hoggaaminayay ayaa maanta Gaaray Tuulada Gambadha Islamarkaana kalamo la yeeshay Waxgaradka Deegaankaas. Madaxweynaha ayaa Salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Somaliland ee Xooga ku haysta degaano badan oo ka tirsan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn,

Tuulada Gambadha ee uu maanta booqashadu ku yimid Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo  waxay u jirtaa magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland qiyaastii wax ka yar 80 km.

Dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ee ay caadada u ahayd ”waan Argogaxnay” maanta waxay gabtay difaac iska daaye in ay xataa tiraahdo ”waan Argogaxnay” sidii caadada u ahayd.. Waxaa iswaydiin leh sidee ayey Garowe ku joogeen?

Daawo Videoga

Puntlandes.com

About The Author