Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dhowaan la soo dhisayo Xukuumad loo dhan yahay

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Xukuumada dhowaan la soo dhisayo.

Ugu horeyn Madaxweyne Xasan ayaa waxaa uu shacabka Muqdisho uga mahad celiyay sida ay u dulqaateen culesyadii jiray mudadii booqashada Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dhowaan la soo dhisi doono xukuumad cusub oo ay ku wada jiraan dhamaan dhinacyada Soomaalida.

“Xukuumad ayaa la soo dhisi doonaa dadka oo dhan ma wada heli doonaan waxaan codsanayaa in dhamaanteena aan la shaqeyno xukuumada si dalka looga dhaqaajiyo meesha uu hadda taagan yahay isla markaana looga faa’ideysto waqtiga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhamaan siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay tanaasul.

Puntlandes.com

About The Author