Akhriso: Labada Kudladood ee Xildhibaanada oo soo saar war murtiyeed ka dhan ah Xukuumada la soo wado

Xildhibaanada ku kala bahoobay Kudladaha kala ah Badbaadinta Qaranka iyo Toosinta Talada Qaranka oo maanta ku shiray Hotelka Xayaat ayaa waxay shirkooda ka soo saareen warmurtiyeed ka ay haga hadlayaan Xukuumada la filayo in uu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid.

1500

Labadan Kudlado ee Xildhibaada ay ku bahoobeen ayaa waxay sheegeen inay ka war heleen in xubno ka mid ah Wasiiradii hore dib loo soo magacaabayo, iyadoo cadeeyay in hadii Wasiiradaas dib loo soo celiyay aysan codka kasloonida siin doonin Xukuumada la soo dhisi doono.

Waxaa la filayaa in uu Ra’iisul Wasaare Sharmarke uu soo magacaabi doono Golihiisa Wasiirada 24 saac ee soo socda, iyadoo la saadaalinayo inuu soo celiyo Wasiiradood hore, kuwaa soo qaarkood laga yaabo in Wasaaradaha loo kala bedelo.

Hase ahaatee Xildhibaanadan ayaa si gaar ah waxay uga doodayaan in aanay marnaba aqbali doonin Wasiiradii hore ee horseedka ka ahaa ridistii labadii Xukuumadood ee Saacid iyo C/wali Sheekh in aan lagu soo darin Xukuumada la soo dhisidoono.

Akhri warmurtiyeedka

1501

Puntlandes.com

 

About The Author