Deg deg: Gudoomiyihii Gobalka Nugaal oo xilka laga qaaday

Garowe (Pes) Wararka ay heshay Puntlandes ayaa sheegaya in xilkii uu  madaxwayne Gaas ka qaaday Gudoomiyihii Gobalka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali Bumbe oo sida uu sheegay safar shaqo u aaday dalka Sweden.

aaa

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyadda ayaa xilkaasi loogu magacaabay Cabdilaahi Ciise Ow-Axmed oo dowladdii Cadde Muuse xilkan kasoo qabtay.

Lama garanayo ilaa iyo hada faah faahinta ku saabsan sababta Gudoomiyihii hore ee Nugaal Xilka looga qaaday.

Puntlandes.com

About The Author