Warbixin: Shacabka Puntland oo tabay wax qabadkii wasaarado dhowr ah!

Dhawaanahaan waxaa shacabka PL ay si weyn u hadal hayan oo is weydiinayaan wax qabad tiro badan oo ay ka tabeen howlahii looga bartay inta badana wasaaradaha Puntland ee u adeegi jiray shacabka.

Hadaba mahan dhowrka wasaaradood ee aan tilaami doono kuwa la tabay, balse waxaan ku bilaabi doono kuwii safka hore kaga jiray dowladahii hore ee shacabku Mahadiyay una duceen jiray har iyo habeen.

Waxaa wasaaradaahasi ka mid ah Wasaarada Haweenka iyo arimaha qoyska, taas oo looga bartay barnaamijyo Radio talkshow, oo lagu baraarujinayo Haweenka iyo dhalaanka ee kasocon jiray Magaalooyinka Wawayn Ee Puntland.

Sidoo kale wax iyana gaabis ah inkastoo ay jiraan howlihii xirfadeynta Haweenka iyo sare u qaadida aqoonta Hawenka iyo Simaanaaradii feer socday ee sida xowliga ah u socday, taas oo wax weyn ka badali jirtay nolosha, aqoonta iyo tayada Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland, kuwaas oo laf dhabar u ah wax soo saarka, horumarka iyo jiritaanka Puntland.

Dhinaca kale waxaan iyana muuqan baryahaan danbe kaalintii Ururada u dooda arimaha haweenka iyo Barnaamijyadii looga bartay, kuwaas oo lagu kobcin jiray horumarinta haweenka iyo xoojinta nadada si loo helo ubad caafimaad qaba oo aqoon leh.

Sidoo kale wax iyana shacabku ay aad u tabeen wasaarada Caafimaadka Puntland iyo wax qabadkeedii lawada mahadiyay oo sanad walba bukaano aad u fara badan oo kumaan kun oo shacabka Soomaaliyeed ah gaar ahaan kuwa Puntland ka heli jireen daweyn iyo baaritan lacag la’aan ah ayaa mudadan danbe aan la arag oo gabi ahaanba meesha ka maqan.

Waxaa iyana ka mid ah wasaaradaha shacabku ay tabeen wasaarada Waxbarashada Puntland oo dar dar galintii waxbarashada, kormeerka habsami u socdka iskooladka aan la arag. sidoo kale tayeenta iyo kor u qaadaadi wax barashada, oo ay feer socon jirtay dhiiragalinta aradada iyo tartan siintooda oo aan mudo aad u dheer la arag ayaa ka mid ah waxyaabaha ay shacabku u xiiseen., iskaba daayee waxbarashadii dibada ay heli jireen ardada Puntland.

akhristoow intaasi waa horu dhac ku saabsan wasaaradahii fir fircoonida looga bartay ee masraxa ka maqan, waxaan akhristayaasha iyo aqoon yahanada aadka ula socda baahiyaha shacabka Puntland ka codsaneynaa in ay noosoo gudbiyaan baahiyaha shacabka iyo wasaaradaha howlahooda aan si wanaagsan u guda galin, si shacabku u heli adeegii ay xaqa u lahaayeen, dalkuna hurumar u gaaro.

Xigasho:Allidamaale.com

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author