Gaas oo Muqdisho ka helay soo dhoweyntii Gomoomiye Gobol

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Muqdisho. Wafdiga madaxweyne Gaas oo la filayey in si heer sare ah loo soo dhoweyn doono ayaa loo qaabilay sidii Gudoomiye Gobol. Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dowalda Federaalka sida: Madaxweynaha, Ra’isal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Barlamanku ma imaan garoonka xilligii ay wafdiga Gaas soo degayeen, balse mas’uuliyiin kooban oo isugu jirey xildhibaano kasoo jeeda Puntland iyo xubnihii horay uga soo mid noqdey xukuumadii ”Badbaado Qaran” ee Gaas xiligii uu ra’isal wasaaraha ahaa ayaa garoonka kusoo dhoweeyey.

Shirka oo Kismaanyo laga soo wareeyey

Maxay tahay sababta shirka Muqdisho loogu soo wareejiyey? Warar lagu  kalsoon yahay oo ay Puntlandes.com heshay ayaa sheegaya in shirka mudada labada maalmood ah soconaya ee ay  yeelanayaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Madaxweyneyaasha dowladaha qaybta ka ah Dowlada Federaalka ee Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed horay qorshuhu u ahaa in lagu qabto magaalada Kismaayo. Waxaa sidoo kale wararku intaas ku darayaan in qaban qaabada shirku ka imaan dhanka Dowlada Federaalka balse fikirkiisa la yimaadeen dowlad goboleeyada oo horay isugu afgartay inay yeeshaan kulan ay uga aransinayaan aayahooda iyo weliba kaalinta ay ka qaadan karaan hagista siyaasada guud ee Dowlada Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa Dam Jadiid oo walaac ka qabey xiriirka ay sameysteen dowladaha qaybta ka ah federaalku xilli khilaaf siyaasadeed Muqdisho ka aloosan yahay, waxay dadaal badan u galeen sidii shirkan magaalada Muqdisho loogu soo wareejin lahaa. Ujeeada ka dameysa arintan ayaa ah in Xasan Sheekh iyo kooxdiisu rabin indhaha beesha caalamku inay kusoo jeestaan shirarka dowladaha federaalka raacsani ku yeelanayaan meelaha Muqdisho ka baxsan, maadaama ay taasi horseedi karto in beesha caalamku kalsoonida kala laabto dowlada dhexe islamarkaana si toos ah taageeradeeda ugu wareejiso dowlad goboleedyada.

Dowladaha ku jira federaalka gaar ahaan dawlada Puntland oo uu hogaamiyo Dr Gaas oo ”Caashaqay” ayaa u muuqda inaysan ku baraarugsaneyn xeeladaha siyaasadeed ee Kooxda Dam Jadiid ciyaareyso.

Kasoo qayb gelid la’aanta madaxda dowlada federaalka ee soo dhoweyntii wafdiga Madaxweyne Gaas, waxay muujinaysaa hoos u dhaca ku yimid maqaamkii siyaasadeed ee Puntland ku lahayd dhanka Dowlada Federaalka iyo weliba beesha caalamka intii uu talada Puntland la wareegay Dr Gaas.

Puntlandes.com

About The Author