Sawiro: Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyey madaxda maamulada gobollada dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyey madaxda maamul goboleedyada dalka oo haatan booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Madaxda uu Madaxweynaha qadada u sameeyay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Gaas, madaxda maamulada ku meel gaarka ee Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Socdaalka madaxdan ay ku joogaan magaalada Muqdisho ayaa la xiriira martiqaad ay ka heleen Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ahmiyadda socdaalkan ayaa ah in wadatashi uu dhexmaro madaxda dowladda federaalka iyo mas’uuliyiinta maamulada gobollada, iyagoo isku xog warami doona, kana tashan doona arrimaha qaranka horyaalla.

Qadada kadib ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid waxay bilaabeen kulan ay wadajir ula qaadanayaan madaxdaasi maamulada gobollada.

Kulamadan wadatashiga ah ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, iyadoo la filayo in gabagabada laga soo saaro war loo wada dhan yahay.

qado sharafIMG_4756-1 (1)

IMG_4758
IMG_4723IMG_4722

 

Puntlandes.com

About The Author