Xog: Xereda “Dayax” ee magaalada Galkacyo oo ay la wareegen malayshiyo beeleed hubaysan

Wararka ay kahelayso warabaahinta madaxa banaan ee puntlandes.com magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa ayaa sheegaya in xerada Dayax oo ka tirsanayd xeryihii Dawladii milatariga ahayd ee Somaaliya ay la wareegeen malayshiyo beeleed aad u hubaysan oo katirsan beelaha daga Gobolka Mudug.

Xerada Dayax ayaa dhacda laanta 2aad ee xaafada Garsoor, waxaana ku yaala suuqyo laga dukaamaysto waana sidoo kale astaan ama xarun laga raro baabuurta aada killilka 5aad ee Ethiopia, waxana ku guulaystay banaynta iyo waxyaabaha laga hirgaliyay duqii hore ee degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan maxamuud xaaji xasan oo ay dadka ree gaalkacyo “Nuuriye” u yaqaanaan oo ay ula jeedan waxqabadkiisii sida qoraxda u iftiimayay iyo soo celintii bilicda magaalada.

Marka laga reebo suuqyada iyo Astaamada baabuurta waxa kaloo jiray dhul aad u baaxad weyn oo iska banaana kasoo larabay in laga hir galiyo mashaariic horumarineed, nasiib darro madhicin oo dhulkaas hada waxaa la wareegay oo gacantaku haya malayshiyo beeleed kasoo jeeda mid kamid ah beelaha Gobalka Mudug waxayna wararku intaas ku darayaan in ay cabirteen gabi ahaanba dhulkaas.

Dhacdadan aya ku soo aadaysa xilli amniga guud ee Gobalka Mudug uu khal khal ku jiro gaar ahaan magaalo madaxdiisa Gaalkacyo,dadka reer Gaalkacyo oo aysan ugu horayn dhul ama jago dawladeed oo lagu habsado ayaa qaar kamid ah oo ay laxiirtay puntlandes.com waxay u sheegeen in dhalinyarada malayshiyo beeledka ah ee qabsatay xerada Dayax ay uga horeyeen kooxda Mr gaadyare(Boqorka Gobalka mudug) oo ku habsatay Illihii dhaqaalaha ee Gobalka mudo Haatan laga Joogo 16 sano, waxayna qaarkood ku micneeyen in Marka kooxda Mr. gaadayare laga qaado kabayaasha dhaqaalaha ee ay ku habsadeen si lamida laga qaadi doono dhalinyaradana Xerada Dayax.

1371
MR. GAADAYARE

Wixii faahfaahin ah kala soco Xafiiska wararka Puntlandes.com- Gaalkacyo

 

About The Author