Xog: waxqabadkii Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo Mr Maxamuud Cabdiraxmaan Cawke

Warbaahinta Puntlandes.com waxay idiin soo gudbinaysaa waxqabadkii baaxada weynaa ee uu qabtay duqii hore ee degmada gaalkacyo Mr cabdiraxmaan maxamuud cawke, waxqabadkaas oo ay tabeen dadka ku nool magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaanba Gobalka Mudug, waxaan warbixantaan ku qaada dhigaynaa waxyaabihii uu ka qabtay Amniga,Midnimada,Maamul wanaaga,Waxbarashada, caafimaadka iyo Bilicda magaalada.

AMNIGA (Security)

duqii hore ee degmada Gaalkacyo Mr cabdiraxmaan maxamuud cawke ayaa markii loo magacaabay xilka gudoomiyaha gobalka ahna duqa degmada gaalkacyo wuxuu xooga saaray amniga oo ah waxa ugu muhiimsan la’aantiisna aysan waxba kala soconayn, mr Cawke ayaa layimid qorshe dhaxal gal ah oo uu kuwajahay amnidaradii xilligaas kajirtay gobalka mudug, wuxuu degmada Gaalkacyo ukala qeybshay 10 laamood oo kala ahaa 5 laamood oo Israac ah iyo 5 laamood oo Garsoor ah, kadibna wuxuu dhisay ciidan madani ah oo saldhig ka samaystay laan kasta oo kamid ah 10ka laamood ee uu uqaybiyay degmada Gaalkacyo, wuxuu sidoo kale kacshay shacbkii oo faray in ay lashaqeeyaan laamaha amniga iyo ciidankii uu dhisay, ugu danbayn Mr cawke 6bliood oo uu ahaa Gudoomiyaha Gobalka Mudug ahna Duqa degmada Gaalkacyo wax fal amni darro ah kama dhicin Gaalkacyo xataa hal qof laguma dilin.

MIDNIMADA (Unity)

Mr Cawke ayaa sidoo kale mideeyay shacab weynaha nabada iyo horumarka jecel ee gobalka mudug, wuxu gudomiyihii hore ka qaybqaatay urrurkii lamagac baxay “Aayo katalinta Gobalka Mudug” oo ay ku midaysnaayeen dhamaan shacabka Degmada Gaalkacyo, urrukaas ayaa la shaqayn jiray laamaha amniga iyo maamulkii uu hogaaminayay Mr cawke, Midnimada aya waxay ka qaybqaadata dhismaha qaran(Nation Building) wuxuna ku guulaystay in uu mideeyo shacabka.

MAAMUL WANAAGA (Good governance)

Gudoomiyihii hore ee Gobalka mudug ahaana duqii degmada Gaalkacyo ayaa layimid hufnaan, isla xisaabtan, akhlaaq, lagadagaalanka musuqmaasuqa oo haatan hareeyay degmada galkacyo, ka qayb galinta bulshada dhanka maamulka gaar ahan haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay.

LA XISAABTANKII MR GAADAYARE (Accountability)

mid kamid ah waxqabadyadiisii ugu waaweynaa aya ahayd la xisabtankii Mr Gaadayare oo aysan taariikhda dhicin in lala xisaabtamo tan iyo markii Puntland la dhisay, Mr cawke Gudoomiyihii hore ahaana duqii degmada gaalakacyo ayaa qaatay bilad sharaf kadib markuu Mr gaadayare la xisaabtamay oo ilaa iyo haatan oo aynu joogno madaxweyne gaas ku dhici waayay la xisaabtankiisa, Mr gaadayare waa Xisaabiyaha Maaliyada Gobalka mudug ahna ninka Gobalka mudug daaha gadaashiisa ka maamula markii lacagta canshuurtu ku soo dhacdo khasnada maaliyada Gobalka mudug wuxuu lacagta u qaybshaa 3 meelood; labo meelood isagaa qaata halka uu meesha soo hadhayna uu u diro Dawlada dhexe ee puntland, markii laguda galay isla xisaabtankii u dhaxeeyay mr gaadayare(boqorka gobalka mudug) iyo mr cawke aya halkii xisaab (Tran-section) ee ugu horaysay waxa Gadayare kusoo baxday 100,000,000 boqol milyan oo shilin somali ah markii lawaydiiyayna wuxuu sheegay in laastiiga lacagta lagu xirro ku soo gaday mr Cawke aad ayuu uga xanaqay hadalka jees jeeska ah ee Boqorka shirkiina waa lagu kala kacay, ilaa iyo hada gaadayare cid cawke ka danbaysaa lama xisaabtami, Yaa ku dhici Kara!!!!.

WAXBARSHADA (Education)

wuxuu duqii hore ee Degmada Gaalakacyo Mr cawke wax weyn ka qabtay waxbarasha oo heerkeedu liitay xilligaas, wuxuuna gaarsiiyay heer sare isagoo kaashanaya koox khuburo ahayd oo arrimaha waxbarashada kala talin jirtay, wuxuu sidoo kale ka faa’idaystay khibradiisii maadama uu ahaa agaaasimihii hore ee wasaarada waxbarashada Puntland sanadkii 2010kii, ugu danbayn wuxuu si dhaw ula shaqaynjiray gudoonkii waxbarashada gobalka mudug ee xilligaas Mr Cabdiraxmaan Daqare.

CAAFIMAADKA (Health)

wuxuu gudoomiye cawke wax weyn kaqabtay arrimaha  caafimaadka, wuxuu dib u kacshay isbitaalkii weynaa ee degmada gaalkacyo isagoo kuwii gaarka loo lahaana dhiirigaliyay si ay bulshada ugu adeegaan si hufan, ugu danbayn wuxu keenay mr cawke degmada Galkacyo haayado dhanka caafimaadka qaabilsan

BILICDA MAGAALADA GAALKACYO (Infrastructure)

Mr cawke wuxuu ku guulaystay dhiraynta magaalada gaalakcyo, dhismaha kaantoroolka waqooyi ee degmada gaalkacyo, dhismaha wadada hormarta isbartiimada gaalkacyo ee Cawaale stadium iyo wadooyin kale.

Ugu danbayn waxa jirta oraah soomaliyeed oo oranaysa “NINKII TIIN TALAALIYO NINKII TIMIR BEERABA TAARIIKHDU WAY QORIN”  GAADAYARE IYO CAWKABA WAXAY QABTEEN AYAA LAGU QIIMAYNAYAA.

puntlandes.com Gaalakacyo

 

About The Author