Sawiro: Safarada Xad-dhaafka ah ee Gaas waxay Puntland ku yihiin Culays dhaqaale (Gaas oo u dhoofay Dalka Ethopia)

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 9-2-2015 u dhoofay Dalka Ethopia gaar ahaan magaalada Addis-ababa.

Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey, Wasiiro , Xildhibaano, maamulka Gobalka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, Aqoonyahano iyo masuuliyiin kale ayaa madaxweynaha iyo weftiga la socda ku sagootiyey garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Gaas iyo Safarada aan joogsiga lahayn

Waa safarkii sadexaad oo uu Garoowe kaga baxo ama ku yimaado mudo ka yar 6 cisho.

  1. 4tii feb oo ku beegan arbaco wuxuu u dhoofay Mudshiho iyadoo ay dad intan ka badan ay sii sagoontiyeen
  2. 7dii feb wuxuu ka soo noqday Muqdisho iyadoo aan garowe laga shaqo tegin
  3. Maanta 9 ka feb wuxuu u dhoofay dalka itoobiya

 

Safar kastana qarashka ku baxaya safarka madaxweynaha waxaa ka badan qarashaadka kale oo kale ah

  1. Xafiisyada dawlada oo aan laga shaqayn maalintaas
  2. Dariiqyadii oo la xiro iyadoo sababta dhaawac ku yimaada dhaqaalaha maxaa yeelay isu socodka ayaa itaaagaya, ,markuu istaagana Ganacsigaa istaagaya
  3. Dad aad u faro badan oo la soo jafayo iyadoo qaarkood dhar loo soo talo.
  4. Shaqadii dawladeed ama Gaar ahaaneed oo istaagtay

Madaxweyne Gaas waa nin aad u jecel muuqashada marka dad badan ayaa waxay ku sababeeyeen in u dhagaysan waayey talooyinka loo soo jeedinayo, ee ku saabsabsan safaradiisa, madaama uu jecel yahay in uu Muuqdo. Su’aashu waxay tahay imisa ayey Puntland qaadi kartaa safarada Gaas ee aan xadka lahayn?

 

IMG_3613 IMG_3615 IMG_3625 IMG_3638 IMG_3639 IMG_3640 IMG_3641 IMG_3644 IMG_3646 IMG_3650 IMG_3655 IMG_3662 IMG_3663 IMG_3674 IMG_3677 IMG_3679

Puntlandes.com

 

 

About The Author