Somaliland ”Dhibaatada haysata Puntland ee ay gudan waayeen waajibaadkooda ayey Somaliland”

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliland Liibaan Axmed Fooxle ayaa jawaab ka ka bixiyay hadal dhowaan ka soo baxay dhigiisa Puntland kaas oo sheegayay in dadka weerarada iyo falalka Amaan darri ka geysta Boosaaso ay ka yimaadaan dhanka maamulkaas.

Fooxle ayaa ku eedeeyey Puntland iyo saraakiishooda Amniga u xilsaaran inay ku fashilmeen shaqadii loo igmaday ee ahayd in ay sugaan Amniga shacabkooda Puntland.

”Anagu waxaan leenahay Puntland nimanka hayska celiso, buurahay oo Boosaaso 7KM ujiray ka yimaadaan ” sidaasi waxaa yiri Sarkaalka ka tirsan Soomaaliland.

Taliye ku xigeenka Puntland ayaa shaaciyay in maamulka Soomaaliland dhankooda ay ka yimaadaan dadkan falalka geysta, iyadoo dhowr jeer oo hore ay shaaciyeen madaxda dowlada Puntland in Somaliland iyo xoogaga Xarakada alshabaab ay yihiin bahwadaag wada shaqeyni ay ka dhexeyso.

Daawo Videowga

Puntlandes.com

About The Author