MAQAAL: XAGEE KU DABBEEYEEN DEEQIHII WAXBARASHO EE ARDAYDA REER PUNTLAND?

Tan iyo intii uu xilka Wasaaradda la wareegay  Wasiir Cali Xaaji Warsame ayaa waxay dadka reer Puntland si weyn isu waydiinayeen halka ay martay deeqihii waxbarasho ee Ardayda dugsiyada sare ee Puntland ka baxa ay sannad kasta sida joogtada ah uga  helli jireen dawladaha caalamka. Intii uu xilka hayey Wasiirku ayaa dhammaanba waxaa la waayey deeqihii waxbarashada kala duwanaa ee Wasiirkii hore Mr. Cabdi Faarax Siciid Juxaa keeni jiray sannad kasta, waxayna nasiib daro noqotay Wasaaradii Waxbarashadda Puntland mid hoos u dhac weyn uu ku yimid dhan kasta.

Wasiir Cali Xaaji  Warsame  oo aqoontiisu tahay xisaabiye (auditor) ayaa lagu tilmaamaa shaqsi  aad u fudud oo inta badan waqtigiisa ku limiya  istus iyo halagaa sheego (show), safaro aan macno lahayn isla-waynaan iyo aftahanimo iyo hadal badni uu ku daboolayo waxqabad daridiisa iyo waraysiyo idaacadaha iyo TV ay la yeeshaan.

Wasiirka ayaa gebi ahaanba ku guuldaraystay  inuu wax ku soo kordhiyo waxbarasha dalka, wuxuuna sidoo kale ku fashilmay inuu ka faaiidaysto xeel dheerayaasha reer Puntland ee  ku takhasusay cilmiga “Education” ee ku sugan dalka gudihiisa iyo debadiisa, .  Waxaa xusid mudan in Wasiirku garan waayey inuu ka faaiisto khibradii aqooneed iyo waayo aragnimo ee wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mr.  Cabdi Faarax Siciid Juxa oo asaga lagu xasuusto fir-fircoonaan iyo wadanimo iyo inuu caalamka ku soo xiray Puntland horumar weyna gaarsiiyey waxbarashada Puntland ardayda shamaysata waxbarashadana sanad kasta u keeni jiray boqolaal deeq wax barasho dalka debadiisa.m Wasiir Juxa ayaa hadda shaqo la’aan ku sugan Puntland.

Tallo soo jeedin:

  1. Madaxweyne Gaas waa in uu dib u qiimeeyaa waxqabadka Wasaaradda Waxbarashada iyo doorka hogaamineed ee Sh. Cali Xaaji iyo Sh. Maxamed Cali Faarax, waana in uu si weyn ula xisaabtamaa maamulka wasaaradda wixii ay dalka ku soo siyaadiyey intii uu xilka hayey.
  2. Wasiir  Sh. Cali Xaaji waxaa la gudboon in uu joojyo khudbadaha beenta ah iyo aftahanimada aan waxba ka hoosayn waana inuu u soo jeestaa inuu muujiyo waxqabad la taaban karo, isla markaasna meel ku sheegaa deeqihii waxbarasho ee ardayda reer Puntland heli jireen sannadkasta.
  3. Sh. Cali Xaaji waa inuu joojiyaa beenta iyo xaqiraadda uu ku hayo ragii asaga ka horeeyey waxqabadkoodii. Tusaalle ahaan waa inuu ka noqdaa warkii ku saabsanaa in uu asagu mideeyey manaahijta Waxbarashada dalka ee uu ka sheegay idaacadda BBC. Waxaa la wada ogsoon yahay in manaahijta tacliinta Puntland horey midaynteeda loo sameeyey sannadkii 2009 kii, wax ka danbeeyey oo la mideeyeyna aysan jirin.
  4. Waalidiinta iyo ardayda reer Puntland  ee mudada dheer loo sheegayey beenta iyo aftahanimada waxaan ugu baaqaynaa inaysan waxba ka sugin Sh. Cali Xaaji oo ay ka faaiidaystaan fursad kasta oo ay waxbarasho oo ay debada kaga helli karaan.

 

Xasan Guuleed Xuseen

PPF-Qardho

puntlandfirst@hotmail.com

 

About The Author