Sawirro: Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS oo kulan ka dhan ah Puntland la yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya

06 May 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan ka dhan ah Puntland waxa uu la yeeshay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mike Nithavrianakis.

Wasiirka ayaa kala hadlay Safiirka booqashadiisii uu ku tagay dhawaan Puntland iyo sida uu u dhibsaday maamulka Xasan Sheekh.

Wasiir Cali-Xoosh oo fulinaya amarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday inaysan dawladda Ingiriisku taageerin maamulka madaxweyne Siciid Deni ee Puntland oo aan xiriir la lahayn maamulka Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa ku adkaysanaya inuu cunaqabatayn doono Puntland laakiin waxaa haysta cadaadis ka iminaayana Beesha Caalamka oo iyadu bixisa dhaqaalaha.

About The Author