Wasiirka Maaliyadda Jabuuti oo ka hadlay xiritaanka marinkii dhanka Badda ugu mashuulka badnaa ee BaabelMandab

05 May 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa ka hadlay xiritaanka ay Xuutiyiintu xireen marinkii dhanka Badda ugu mashuulka badnaa ee BaabelMandab.

Wasiirka ayaa sheegay in Dekedda wayn ee Jabuuti oo dalabka macaamiisheedu uu buuxay sanadkaan 2024 in iminka la wada kansalay dalabyadaas.

Xuutiyiinta ay Iran taageerto ee ka talisa qayb ka mid ah Yemen ayaa xiray marinkaas iyadoo dhamaan Maraakiibtii mari jirtay ay ka wareegto Koonfur Afrika taas oo saamayn xoogan ku yeelatay dhaqdhaqaaqii Dekedaha dalka Jabuuti.

About The Author