Daawo Video: Soo Dhawayntii Wasiiada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland ee Gothenburg dalka Sweden

Wafdi ay hogaaminayso Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Marwo Anisa C/Qaadir Xaaji Muumin ayaa waxay soo gaaren dalka Swden iyagoo la kulantay madax kala duwan oo ka tirsan dawlada Sweden. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Puntlandes ayaa sheegaya in ay hawlihii ay u timid Wasiiradu dalka Sweden ay si wanaagsan ugu hagaageen.

Wasiirada ayaa waxaa xaflad aad u balaaran ay ugu samaysan Jaaliyada Puntland ee Sweden gaar ahaan tan magaalada Gothenburg magaaladaasi.

Wasiirada ayaa waxay safarkeedii u sii wadatay Dalka Ingisiiska oo ka mid ahaa meelihii u qorshaysnaa in booqato, iyadoo halkaas kula kulmidoonta madax ka tirsan dalkaas.

Daawo Videowgii xafladii soo dhawaynta ee Gothenburg


Puntlandes.com

 

About The Author