Sawiro: Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka oo maanta la kulmay madaxda Jaamacadda Bariga Africa Garowe

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ”Qaaddiid” ayaa maanta oo Isniin ah booqday xarunta Jaamacadda Bariga faraceeda magalada Garowe, wuxuna la kulmay mamulka Jaamacadda.

2Ahmiyada kulankan ayaa ahaa in la iska xog waraysto wacyi galinta la xariirta Qaadka oo la wada og yahay inuu saamayn xun dadka Soomaaliyeed ku lee yahay.

Qaaddiid ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo wacyi galinta la-dagalanka qaadka maadama dhaqaale faro badan ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iidaan dalalka dariska la ah Soomaaliya ee Itoobiya iyo Kenya.

Cawaale waxa uu sidoo kale booqday xafiis-yadda Jaamacadda waxa uu wax yar oo kooban la hadlay qaar ka mid ah ardayda, wuxuna u sheegay in looga baahan yahay muujinta dowrkooda ku aadan la-dagalanka Qaadka.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, mamulaha Jaamacadda Bariga Africa Garowe waxa uu soo dhaweeyay Olalaha la-dagalanka Qaadka, wuxuna sheegay inay garab taagan yihiin barnaamijkan oo muhiimad gaar ah dadka Soomaaliyeed u xambaarsan, Shiikha ayaa sheegay diinta Islaamka inay xaaraan tinimaysay Qaadka oo maanka dadka dooriya.

Jaamacadda Bariga Africa ayaa qaban qaabinaysa shirwayne ballaaran oo Qaadka iyo dhibaatooyinkiisa looga hadlayo, kaasoo lagu wado inuu qabsoomo maalmaha soo socda, waxana lagu soo bandhigayaa,saamaynta caafimaadka, waxbarashada, nolasha dadka ku yeeshay qaadka.

Soomaaliya ayaa maalintii labaad la keenin qaadkii Miirowga ahaa ee ka imaan jiray dalka Kenya, inkastoo suuqyadda magaalooyinka waa weyn lagu iibinayo qaad kale oo ka yimaada Dalka Itoobiya.

26  25 55524 23 22 21 20 19 18 17 16 15 14 13 12 10 9  7  5 4 3  168

Dhammaad
Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.

About The Author