Sawiro: Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo booqday Dekedda Jabuuti

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo waftigiisii oo booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa saaka la kulmay Madaxa Free Zoneka, Dekedaha iyo Maalgelinta Jabuuti Mudane Abubakar Cumar Haadi iyo lataliyihiisa Mr John.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ahaa safiirka Puntland u fadhiya Jabuuti Mudane Saciid Mahdi iyo Waliba Siyaasi Cali Cabdi Awaare.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka Ganacsi ee Puntland iyo Jabuuti i yo sidoo kale isku xirka Dekedaha Jabuuti iyo Boosaaso, maadama xarunta ganacsiga Puntland ay tahay magaaladaasi.

.

10984683_884124954977154_1370425453_n 10994810_884125118310471_1358319703_n 11004013_884124858310497_1981103258_n 11004874_884124971643819_182023336_n 11004918_884136124976037_43815028_n 11006155_884124878310495_1516647194_n

 

Puntlandes.com

About The Author