Maxay tahay Barwaaqda iyo Horumarka ay gaartay Puntland oo madaxweyne Gaas kaliya u muuqda?

Gaalkacyo (Pes) Markuu Madaxwayne Gaas la kulmo saxaafada badanaa isagoo ama dhoofaya ama soo degaya amaba si kale ula kulmo wuxuu sheegaa in Puntland ”dhaqaaqday” uuna ”Isbedelkii” si xawli ah u socdo haday noqon lahayd wax uu ugu yeeray Kaabayaasha Dhaqaalaha, xag Ganacsi, xag Amni, Musuqmaamsuq la dirir, dawladwanaag. IWM. Madaxweyne Gaas iyo Kooxdiisu markay dalka xukunkiisa la wareegeen waxay soo koobigareeyeen tabihii iyo xeeladihii uu Kacaankii Siyaad Barre hogaaminayey ay shacabka Soomaaliyeed ku qaldi jireen taasoo ahayd erayada uu Dr Gaas isticmaalo ee aynu soo sheegnay sawiro ah Hogaamiyaha oo gacanta ku taagaya MEEL BARWAAQO ah, Kaluun bad laga soo baxayo ama warshad iwm. Waxaa Dr Gaas aad u isticmaalaa erayga labaad oo kan ”Isbedelka” ku xiga oo uu isticmaalo tan iyo markuu ololaha ku jiray kaasoo ah ”Puntland wajigaan ka bedelayaa”

653

 Hadaba maxaa la taaban karaa oo Puntland Dr Gaas ka qabtay?

Waxaa la isla qirsan yahy in uu madaxweyne Gaas horumar uu gaarsiiyo Puntland iska daaye uu ka dhigay mudadii sanadka ahayd ee madaxweynaha ka ahaa wax aan jirin maantana ay qar ka laalaado hadaysan helin toosin wixii ka qaloocdayna la dhihi doono waa jiri jirtay. Bal aynu kala qaadno qodobada ay Gaas iyo Kooxdiisu ku faanaan:

Kaabayaasha Dhaqaalaha

Ma xukuumada Dr Gaas ayaa keentay dhismaha garoonka diyaaradaha ee Bosaso iyo Garowe? Jawaabtu waa maya waxaa keenay xukuumadii ka hoaraysay. Maxay kaloo qabteen? waa waxba, haday jiraan wax aan dadku ogayn iyagaa laga doonayaa in ay shacakii doortay la wadaagaan.

Ganacsiga

Aad ayuu u yaraaday Ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland intii uu Gaas xukunka yimid iyadoo ay sababtu tahay Canshuur xad dhaaf ah oo uu ku soo rogay.

Amniga

Wuxuu gaaray meeshii ugu xumayd abid iyadoo Amnigii faraha ka baxay magaalooyinka waawayn ee Bosaso iyo Gaalkacyo. Ugu yaraan laba jeerna lagu dhex dagaalamay magaalada Bosaso ee halbawlaha ah dhexdeeda, dad lagu dilo iska daaye.

Musuqmaamsuq

Musuqmaamsuq wuxuu joogaa meeshii ugu saraysay iyadoo Canshuurta laga qaado shacabka Puntland dad ku cunaan la xisaabtan la’aan waxaana dib u soo noqday wixii loo yaqaanay ”fadlan”.

Dawladwanaag

Warkeeda daa, Sharci ma shaqeeyo Puntlandta uu hogaamiyo Dr Gaas. Agaasime ayaa qaatay shaqadii ay sida sharcigaa u lahaayeen wasaarado uuna sharcigu qeexayey. Wasiirul dawlayaal ayaa la wareegay shaqadii Wasiirada waxay noqotay Puntland meel uu ka shaqeeyo ” Natural law” xeerka ”Idho adayga” waxaana loo kala awood badan yahay ninba ninkii ka idho adag yahay. Waa runtii Dr Gaas ”Puntland wajiguu ka bedelay”

Dr Gaas waxaa lacag farobadan uga baxdaa Riwaayadan khiyaaliga ah oo ku salaysan marin habaabinta shacabka Puntland,  iyadoo aan mushaaraad la bixin mudo bilo ah, in la sheego wax aan jirin oo sidii caadada u ahayd uu yiraahdo waxqabad iyo horumar aan jirin baan ka soo shaqeeyey intii aan xukunka hayey. Puntland waxay ku sugan tahay xaalad u eg  ninkii inta dadqalku caruurta ka cunay hadan subixii u soo sheeko doontay oo markuu ka sheekeeyey waxa qabsaday, ugu jawaabay, Shalay waad talo xumayd, xalayna waad orod yarayd, hadoo la joogona waad aqoon xuntahay. Caado iyo halqabsi waxaa u ah Gaas Horumar, Horumar, Horumar laakiin waa sayn roobaad oo isaga uun haysa.

Reer puntland:oow tanina ma iddin danbeysay ????
Sawiro daawo
654

651

649

652

Puntlandes.com

About The Author