Warbixin: Maareeyaha Garoonka Gaalkacyo oo waa Cusubi Ku Baryay

Maareeyaha Garoonka Gaalkacyo  ee Col. Cabdullahi Yusuf Internation Aeroport Mr Siciid Cabdiraxmaan (Dhagaweyne) oo soo maamulayay garoonka laga soo bilaabo aasaaskii Dawlada Puntland 1998dii ilaa maanta oo la marayo 2015ka ayaa waa cusubi u barayay kadib markii ay ganacsatadii isticmaali jirtay garoonka gaar ahaan kuwa qaadka la soo dagga ay joojiyeen isticmaalka garoonka, kadib markii uu maareeyuhu canshuurta gaarsiiyay meeshii ugu saraysay oo uu calaa jawaan ku canshuuray 200$ oo dollarka maraykanka ah isagoon xataa kala tashan Dawlada dhexe ee Puntland.

dhagaweyne
Mr Dhagaweyne (1998 – 2015) mareeyaha garoonka gaalkacyo

Garoonka Gaalkacyo ayaa waxa loo maamulaa sida dukaan ama ganacsi gaar ah ee uu hal qof leeyahay, waxaa taas cadayn u ah waxa garoonka ka soo xaroota lacago fara badan oo lagu canshuuro diyaaradaha rakaabka oo maalinta ay ugu yartay ilaa afar diyaaradood ka soo dagto iyo diyaaradaha qaadka keena oo lagu canshuuro lacago badan ilaa hada lama yaqaan lacagahaasi meesha ay ku dhacaan wax la xisaabtan ahna majiro, dhamaan lacagahaas waxa si khaas ah u isticmaala Mr dhawaweyne marka laga reebo qeyb yar oo uu u garto Dawlada dhexe ee Puntland.

Sidoo kale garoonka Gaalkacyo waligi lama dayactirin waa sidii ay dawladii kacaanka ahaydi uga dhacday, dhisme laguma siyaadin xataa dukaan ama maqaaxi dadka safraya ka adeegtaan malaha waxaa intaas sii dheer wado la’aan iyo terminalka oo ah geed qurac ah hoosti ,Maareyaha Garoonka Mr dhagaweyne oo aaminsan in uu isagu leeyahay cidna aysan ka qaadi karin ayaa sidaas ku maamula Garoonka.

diyaarad
Diyaarad fadhida Garoonka
1359
terminaalka garoonka gaalkacyo

Amniga garoonka Gaaalkacyo ayaa ah mid aan laysku halayn karin waxaana taas cadayn u ah kadib markii garoonka lagu dilay laba nin oo u shaqaynayay hayada UNODC ilaa iyo hadana aan sharciga la horkeenin ninkii gaystay dilkaas aadka u foosha xumaa  laguna bar tilmaameed saday dadkii uu yimid in ay caaawiyaan shacabka iyo dawlada Puntland.

mayd
Madaxweyne Gaas oo wada maydkii shaqaalihii UNODC

Ugu danbayn waxaa asbuucii hore afka furtay oo aad u walaalcay Mr dhagaweyne kadib markii uu waayay lacagtii joogtada ahayd ee uu qaadayay  muddada kabadan 17ka sano, waxayna taasi cadaynaysaa in uusan garoonku qorshe cad ku socon ee uun lacagta laga qaato markii lawaayo qaylo afka lagu shubto.

Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay muxuu Mr dhagaweyne garoonka Gaalkacyo ku haystaa mudo ka badan 17 sano oo xataa uusan hal dhisme ku siyaadin waxna ka qaban Bal Adba!!!!!!!!!

xafiiska Waraka- Gaalkacyo

About The Author