Dhagayso: Prof Galayr ”Dastuurku Wuxuu Dhigayaa in 2 Gobol Iyo Wixii Ka Badan Maamul noqon karaan”

Prof Cali Khaliif oo ah madaxweynaha maamulka Khaatumo ee Fadhigiisu yahay Tuulada Saaxdheer ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu baxshay ka muujiyey quus in uu maamulkiisu noqon karo xubin ka mid noqota Federaalka Soomaaliya.

Wuxuuna yiri mar ka hadlayey arintaas sidatan ”Dastuurku wuxuu qabaa in 2 gobol iyo wixii ka badan maamul noqon karaan”  wuxuuna sii raaciyey ”miyaanu la dirirnaa DFS haddii ay na aqoonsanwayday” isagoo la hadlayey taageerayaashiisa.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arimo kale oo ay ka mid yihiin Xildhibaanada ay dawladaha xubnaha ka ah Federaalku soo magacaabayaa marka la gaaro 2016 ka iyo arimo badan oo ay ka mid tahay Somaliland iyo in ay heshiis ka diiday.

Dhagayso waraysiga Prof Galayr


Puntlandes.com

About The Author