WAR soo dhacay: Malayshiyaad Galmudug ka soo jeeda ayaa soo weeraray Geelay Duleedka Balibusle ee Gobolka Mudug

Gaalkacyo (Pes) War soo gaaray warbaahinta puntlandes.com ayaa sheegaya in  Malayshiyaad ka soo jeeda Galmudug ay weerar ku qaadeen Geelay degan agagaarka Balibusle ee bariga Gobolka Mudud.

Weerarkaan ay malayshiyadu soo qaaday ayaa waxaa ka dhashay sida wararku nagu soo gaarayaan qasaare labo ruux oo Geelaydii la soo weeraray ka soo jeeda.

Wararku waxay intaa ku darayaanin malayshiyaadkii Galmudug kasoo jeeday ee weerarka soo qaaday ay meesha isaga baxsadeen.

Inta badan Malayshiyaad ka soo jeeda Galmudug ayaa weerar ku soo qaada gaadiidka wadada Wadaagsin maraya, Geelayda iyo dadka Xoolo dhaqatada ah e eka soo jeeda Gobolka Mudug ee Puntland .

Wixii war ah oo la xiriira warkan kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author