Xisaabiyihii guud Wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha Federaalka Puntland oo ka mid ahaa dadkii lagu laayey qarixii Muqdisho

Xisaabiyihii guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha Federaalka Puntland Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa ka mid ahaa dadkii lagu laayey qarixii shalay ka dhacayHotel Central ee magaalada Muqdisho,

Marxuumka ayaa qayb ka noqonaya Madaxda, Ardayda, Isimada iyo Siyaasiyiinta reer Puntland ee lagu laayey Qaraxaas, iyadoo tirada aan horay idiinku soo gudbinay ay dhamayd 14 marka lagu daro marxuumkana waxay noqonaysaa 15 qof oo reer Puntland ah in la xaqiijiyey.

Wararka ay Puntlandes helayso ayaa ah in ay tirada reer Puntland ee lagu laayey shalay magaalada Muqdusho ay gaarayso 30 qofood,

Wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha Federaalka Puntland ayaa tacsi u dirtay ehelada iyo qaraabada uu ka dhintay Marxuum Maxamed.

1664

 

Puntlandes.com

About The Author