Hirgalinta Dimuqraadiyeynta Puntland ma gaari doonta Puntalnd-ta maqan?”

Dastuurka Puntland qodobkiisa 6lixaad) wuxuu  dhigaya Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Heylaan, karkaar, gobolka Mudug oo laga reebay Deegaannada Hobyo iyo Xarardheere iyo Gobolka Sanaag oo laga reebay degmada Ceel-afweyn iyo waqooyi- galbeed ee degmada Ceerigaabo Soohdimaha Puntland waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen derisyadooda Janaayo 1991 ka hor, isla markaas Puntland

 

                                 Dastuurka Puntland  iyo Puntlandta maqan  sidii la isku waafajin

Haaddii aan Gobolladii qayb mida ku jirin gacanta Puntland sideeba dimuqraadiyeynta looga hirgalin doona dhulka Puntland ee  ku qoran dastuurka Puntland   waa su ‘aal is waydiin mudan una baahan in bulshada Puntland loo qeexo..

Laga  soo bilaabo xiligii Madaxwayne  Cabdiraxmaan Faroole   Puntland waxay ku taamaysay inay  hirgalin doonto nidaamka  asaxaabta badan  lagana gudbi doono  Nidaamka Puntland hada  ku dhisan tahay ee   doorashada  xildhibanadda 66,kaa ee  soo doorta  Madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka Puntland  iyo hanaanka qabaa ‘iilka  ku dhisan..

Shacabka Puntland   waxaa lagu sheega inay yihiin kuwo aad u jecel  nidaamka  dawladnimo  iyo nabada   waana xaqiiq  in shacabka Puntland u bahanyihiin doorasho xora oo ay ku doortaan  cidii  hogaamin lahayd..

Dimuquraadiyadda intee gobol aya laga hrgalinaya?

Xiligii ololaha   doorashada Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamad Cali Gaas  Qodobadii  uu aadka  ugu ololayn jiray waxaa ka mida inuu Puntland (3)qodob ka dhisi doono  qodobka koobaad ayuu ku sheegay dhaqaalaha  qodobka labaad ayuu ku sheegay dimuqraadiyadda iyo qodobka seddexad oo ahaa  gobollada maqan inuu soo celin doon..

Dhaqaalaha Puntland  waxaa la sheega inaan wax iska badalin inta badana waxaa la sheega inaan shaqaalaha Dawlada Puntland iyo Ciidankuba aysan helin mushaaradkooda

 

                     Gaalkacayo ilaa  Bosaaso

Dhanka xukunka baahsan  ayaan wili Puntland ka hirgalin xarrunta  cilmibarista hormarinta  Puntland ee  PRDC)  ayaa  waxay soo bandhigtay  sahan cilmibaarisa oo ay ku samaysay 11, kamida  Dagmooyin kamida Puntland  waxayna soo bandhigatay inaan  Dawladda Puntland aysan  dhaafin laamiga dheer ee isku xira Gaalkacayo iyo Bosaaso..

Dagmooyin  aan lahayn xudduud kala xaddeeya

Bulshada Puntland  ayaa ku wareersan nidaamka magacaabista Degmooyinka  xukumadda Puntland iska magacawdo ayada oo aan la eegin  nidaamka qaadashada degmo  waxaa jira  deegaano aad u badan oo Puntland dagmooyin u magacowday laakiin aan xudduud  iyo haykalkii degmanimo lahayn  waxayna  caqad ku noqon doonta Midaamka lagu riyoonayo ee  dimuquraadiyadda Puntland..

 

            Dimuqraadiyadda intee gobol aya laga hrgalinaya?

Puntland  waxaa la asaasay bishii Agoosto1998, kadib markii nidaamkii jamuuriyaddii Soomaaliya ay burburtay  waxaana   dhisay  cuqaasha  ururadda bulshada ganacsatata iyo Siyaasiinta ka soo jeedda  Gobollada  qayb kamida Mudug Sool  qayb kamida  Sanaag   Nugaal Gobolka Bari iyo Degamada  Buuhoodle sida ku qeexan qaynuunka Puntland

Waxaa  xusid mudan in markii dambe Puntland laga asaasay Gobolo kale sida Gobolka Cayn Gardafuul Haylan  iyo Karkar iyo degmooyin badan gobolladaas  hada waxaa  gacanta Puntland ka maqan qayb kamida see loo garsiin nidaamka dimuqraadiyadda mise xaalku waa  la jiifiya banana?..

20017,Gobolka Sool  wuxu ka baxay gacanta Puntland oo kamid aha Gobollada Puntland wax ka dhistay xiligaas  waxaa Puntland  wadaxwayne ka ahaa Genaral Cade Muuse  Madaxwaynihi badalay DR Faroole  wuxuu ku guul daraystay soo celinta Sool.

 

Madaxwaynaha  Puntland ee xiligan xilka haya Dr Gaas)  wuxuu  sheegay hada kahor inuu midayn doono dadkii Puntland wada dhistay uuna xoogga saari doono soo celinta Puntlandta maqan laakiin  ilaa hada  waxaa muuqata Gaas)  inuu  ku socdo waddadii Faroole  marka loo eego Puntlandta maqan., waxaan ula jeeda Gobolka Sool iyo Qayb kamida Sanaag..

Haddii  Puntland qaybi maqan tahay sidee dimuqraadiyad looga hirgalin doona? mise inta gacanta lagu hayo ayaa  laga hirgalinaya dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ee  Madaxwayne Gaas  ku dhawaaqay?  waxaa ka jawaabi doona aqoonyahannada Puntland..

Ugu dambayntiin waxaan  xaqiijinaya oo aad wada ogtihiin in ummadda Soomaaliyeed oo dhan u bahan tahay nidaamka doorasho xora oo xalaala  oo qof walba oo qan gaara uu ku doorto hogaamiyaha uu u arko inuu yahay  mid hogaamin kara dalka  waxaase  ka horaysa  inaan helo  jawigii iyo qaynuunkii  aan ku codayn lahayn kuna dooran lahayn  madaxdeena    shacbka Puntland   asagoo mida ayuu u gudbi karaa  dimuqraadiyad  laakiin in Gobolladii Puntland  qaybi maqan tahay qaybna la dhaho  waa la dimururaadiyeynayaa   waxay ila  tahay  inaysan ahayn wax u cuntami doona shacba  Puntland,,

1520

Waxaa  qoray Cabdinuur Faarax Maxamuud

Email-abdinuur02@gmail.com

Daabacaadii:Puntlandes.com

About The Author