Madaxweyne Kenyatta oo ka hadlay xayiraada dowlada Ingiriiska ee ganacsiga qaadka

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo booqanayey gobolka sida weyn loogaga beero qaadka ee Meru ee Nyambene ayaa u xaqiijiyay beeralayda qaadka Miraa in dowladiisu ay ka go’an tahay sidii loo badbaadin lahaa isha dhaqaalaha ah ee noloshoodu ku tiirsan tahay.

Uhuru Kenyatta madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in uu ogyahay dhibaatooyinka soo gaaray beeralayda kadib markii dowlada Britain ay mamnucday in dalkeeda la keeno qaadka 24kii June 2014.

Isagoo ka hadlayay magaalooyinka Mikinduri,Mutuati,Laare iyo Maua oo ah deegaano si weyn looga beero qaadka ayuu madaxweyne Kenyatta sheegay in dowladiisu ay sii wadi doonto codsiga ay u jeedinayso dowlada Britain in ay dib u eegto mamnuucida qaadka.

“Waan ognahay in ay jiraan dhibaatooyinka ka dhashay mamnuucida qaadka. Xoogga ayaan saari doonaa sidii loo xalin lahaa mashaakilkan waxana aan u sheegayaa dadka ku nool Meru in dowlada ay mas’uuliyad ka saaran tahay in mashaakilka la xalliyo,”ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Hase yeeshee madaxweynaha Kenya ayaa ugu baaqay beeralayda qaadka inay raadiyaan suuqyo kale oo ay u iibgeeyaan qaadka.

Guddoomiyaha gobolka Meru Peter Munya ayaa ugu baaqay dowlada Kenya in ururka ganacsiga adduunka WTO ay soo farogeliso khilaafka ganacsiga eek a dhaxeeya Kenya iyo Midowga Yurub.

Maandooriyaha Qaadka ayaa waxaa si ba’an u cuno Soomaalida Gudaha iyo kuwa qurbaha ku nool iyadoo ay dalalka Kenya iyo Itoobiya uga soo xarooto lacag xad dhaaf ah halka ay Soomaalidu kala kulmaan Khasaarooyin aad u fara badan. Waxaad moodaa in iminka ay Soomaaliya ka curatay daruur Guubaabo iyo wacyigelin wadata oo ku saabsan Dhibaatooyinka cunista Qaadka.

Puntlandes.com

About The Author