Daawo Video: Isimada Buuhoodle oo Baaqay Nabad

Wafti Balaaran oo Isagu Jira Isimada Buuhoodle, Culumaa’udiin Cuqaal iyo Waxgarad kale oo maanta booqday Deegaanka Maygaagle iyo agagaarkiisa oo maalintii Shalayto ahayd Dagaalo ku dhexmareen dad soo kala jeeda Buuhoodle (Maygaagle) iyo Bariga Burco (Qorulugud) ayaa Deegaankaasi kula Kulmay Bulshada Halkaasi Ku nool ee ka soo jeeda dhinaca Boohoodle, iyagoo ka dalbaday xabad joojin kuna baaqay nabad dadka walaalaha ah.

Isimada ayaa Deegaanka ku Dhawaaqay Baaq Nabadeed oo Loo Diray Beesha Degta Deegaanka Qorulugud oo Loogu Baaqay Dhinacoodana inay ka shaqeeyaa Nabad Galiyada iyo Xasiloonida.

Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Garaad C/risaaq Garaad Sofe Duran ayaana Warbaahinta ka sheegay Baaqaasi ka soo Baxay Dhinaca Beesha Buuhoodle ee Nabada ah

Daawo Video

Puntlandes.com

 

About The Author