Dr Faroole oo yiri dilkii xildhibaan Saado Cali Warsame waa mid siyaasadi ka dambeyso (Dhageyso)

0

Gaalkacyo (PES) Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdi Raxmaan Maxamuud Faroole ayaa ka tacsiyeeyay dilkii loo geystay allaha unaxariistee marxuumad xildhibaan Saado Cali Warsame oo kamid ahayd barlamaanka Soomaaliya, taas oo shalay koox hubaysan ay ku dileen Magaalada Xamar.

Dr Faroole ayaa dilka xildhibaanada ku sifeeyay mid siyaasadaysan oo lagu doonayo in lagu baab’iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo isku imaanshaheeda. Lagulana dagaalamayo midnimada umada Soomaaliyeed iyo isku soo noqoshada ummada Soomaaliyeed.

Dr Faroole waxuu intaa ku daray in la xusuusnaandoono Saado

Madaxweynihii ee Puntland ayaa sheegay allaha unaxariistee Xildhibaanad Saado inay ahayd fanaanad aftahan ah oo fikirkeeda siyaasadeed hadba sida uu yahay ku sheegta suugaanteeda. Wuxuuna Allah uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo.

Halkaan ka dhageyso codka madaxweynihii hore.

 

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *