Xog: Gaas oo wali xilal u magacaabaya kooxdiisa ”isbedeldoonka” oo ayna jifo hoose yihiin. Gaas ma dalkoo dhan buu madaxwayne u yahay mise?

0

17

Xog hoose oo ay heshay warbaahinta Puntlandes ayaa tilmaamaya in uu Madaxwayne Gaas ayaa magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka, arrimaha federaalka iyo dumuqraadiyada,kaddib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa oo ku taariikhaysnayd 19 july 2014.

Wuxuu madaxweyne Gaas u magacaabay Hussein Cabdi Jamaal. Xussein wuxuu ka tirsan yahay kooxda Gaas waxayna yihiin Hussein iyo madaxweyne Gaas.isku jifo hoose.

Aaway dadkii kale oo Puntland wax ka dhistay? Maxay tahay koodaan iyo jufadaan boobka wadaa iyadoo isticmaalysa awoodii dadka ka dhaxaysay.

Gaas ayaa hogaamintii dalka waxuu ka doorbiday shaqo u abuuritaan kooxdiisa isbedeldoonka iyo jufadiisa hoose. Faahfaahin ka akhriso Falanqaynta Todobaadka iyo Puntland oo arintan iftiimisay.

 

Gaas ma dalkoo dhan buu madaxwayne u yahay mise koox gaar ah iyo Jufo gaara?

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *