Madaxweynaha Puntland oo Kismaayo tagaya beri

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku wajahan maalinta beriri ah magaalada Kismaayo. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socota qaban qaabo iyo diyaar garoow loogu jiro soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Puntland.

Gaas ayaa casuumaad  ka helay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam isagoo ku martiqaaday halkaas.

Horay ayaa waxaa magaalada Kismaayo u booqday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan iyagoo magaalada Kismaayo ku kala saxiixday heshiis ku qotoma wada shaqeynta labada Dowlada goboleed.

Labadan Dawladood ee Puntland iyo Jubaland ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir walaalnimo oo qoto dheer.

Puntlandes.com

About The Author