DFS oo warsaxaafadeed ka soo saartay ku eedaysay Somaliland inay sababtay Burburka shirka Istanbuul

DFS ayaa ku eedeysay wafdigii matalayay Somaliland ee ka qeyb geli lahaa wada hadalada inay sabab u ahaayeen burburka wadaxaajoodkii magaalada Istanbul ee labada dhinac isugu imaan lahaa.

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in wafdiga dowladda u matalayo uu damaanad buuxda u heysto in ergada Somaliland kala xaajoodo arrimaha siyaasada ee masriiriga ah

“Waxaa nasiib darro ah in wafdiga ka socda walaalaheen Somaliland oo ku sugan Istanbul, isla Hoteelka uu shirku ka dhici lahaa uu ku guuldarreystay in uu soo fariisto madasha wadahadalka, isagoo la soo baxay shuruurdo la xiriira dadka dhinaca Soomaaliya matali kara”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ee wada hadlaya aanu midkood xaq u laheyn inuu midka kale u yeeriyo cida ay tahay inay matasho.

“Arrintaasi waxay xadgudub ku tahay heshiisyadii hore loo gaaray iyo hab-dhaqanka caalamiga ah ee wadaxaajoodka, Wafdiga Soomaaliya oo shirka la yimid niyad wanaag Soomaalinnimo, wuxuu caddeynayaa in Ergada Somaliland ay keligeed mas’uul ka tahay in uu qabsoomi waayay shirkani”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal shuruudla’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fariisto”

Ugu dambayntii DFS ayaa uga mahad celiysay Dowladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wada hadalka labada dhinac.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wafdiga dowladda Federaalka uu dib ugu laabanayo Caasimada Soomaaliya, si uu wada tash ula sameeyo Madaxda Qaranka iyo dhinacyada ay sida tooska u khuseeyaan wada hadalladani.

Dhanka kale wafdiga ka socday Somaliland ayaa ku doodayay in xubno ka tirsan wafdiga DFS in aanay la fariisan doonin, maadaama ay ka soo jeedaan Somaliland, waxaana sababtay in uu shirkii la filayey in uu ka furmo magaalada Istanbuul ee Turkiga uu qabsoomi waay.

Puntlandes.com

About The Author