Wasiirkii labaad oo katirasan Maamulka Somaliland oo iscasilay iyo kala shaki ka dhextaagan Xisbiga talada haya ee Kulmiye

Waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay xilka loo magacaabay Wasiirkii labaad oo katirsan Maamulka Somaliland kaas oo ah Wasiirka Wershadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Timacadde), Mr Timacade oo lahadlay laanta afka Soomaliga ee BBCda ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu maamulkaas uhayay,iscasilaada wasiirkan ayaa ku soo beegmaysa kadib isku shaandhayntii buuqa badan dhalisay ee uu sameeyay Madaxweyne Siilanyo.

Mr Timacadde ayaa sidoo kale wuxuu ka dayriyay xaalada siyaasadeed ee uu hada xisbiga Kulmiye ku suganyahay wuxuuna sheegay in aan wax wada tashi ah uu san xisbiga ka dhex jirin ilaa hadana aysan garan karin cida go’aamisa masiirka urrurka oo uu ula jeeday waxyaabihii ugu danbeeyay ee dhacayay oo ay kamid tahay isku shaandhayntii gollaha wasiirada, wasiirkan ayaa noqonaya wasiirkii labaad xilli asbuucii hore uu iscasilay wasiirkii maaliyada maamulka Somaliland Mr samaale.

waxa sidoo kale jira isku dhexyaac iyo buuq hareeyay xisbiga Kulmiye ee haatan haya talada Somaliland, waxaana laga dareemayaa madaxtooyada Somaliland xiisadan cusub ee haatan aloosan walow ay jiraan isku dayo lagu xalinyao khilaafka haatan taagan.

puntlandes.com- Boosaso

 

About The Author