Puntland oo dembi ku weydey 11 kii nin ee 10sano oo xarig ah ay ku Xukuntay 13 kii jan 2015

Maxkamadda rafcaanka ee Gobolka Nugaal ayaa diiddey xukun January 13, 2015 lagu xukumay 11 qof oo isugu jirey siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda Puntland, laguna soo eedeeyey inay ka qayb galeen shir ka dhacay magaalada Cadaado.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in Ragaasi ku guuleysteen rafcaan ay ka qaateen xukunkii horay loogu ridey kadib markii loo waayey kiiskooda cadeymo dhameystiran; sidaas darteedna maxkamaddu cadeynayso inaysan wax dembi ah lahayn.

Ragaas oo saddex kamid ahi maanta maxkamadda joogeen waxay maxkamaddu amar ku bixisey in dowladdu siiso mag-dhow lacageed oo gaaraya $8,000.

11 ka nin ee maanta eedaynta lagala laabtey waxaa horay loogu kala xukumey sidan:

Xarig 10 sano ah ayaa lagu xukumay:

  1. Cabdikariim Cumar Ismaaciil.
  2. Cali Cigaal Af-gaab.
  3. Warsame Qolofeey Shiddo.
  4. Xasan Yuusuf Dhuux Garabeey.
  5. Deeq Maxamuud Qaanso.
  6. Maxamed Barre Nuunuule.
  7. Cadooye Aadan Xasan.
  8. Xuseen Kuluc Maxamuud.
  9. Jaamac Maxamed Axmed.
  10. Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
  11. Jaamac Maxamed Axmed Sandaqad.

Sadexdii maxkamada maanta goobjooga ka ahaa ayaa waxay Maxkamada ka codsadeen in cidii ka dambaysay been abuurkan baaritaaan lagu sameeyo laguna soo ooga dambigay mutaysteen.

Dhagayso.


Puntlandes.com

About The Author