Sawiro-WARBIXIN: Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisi oo kulama muhiim ah la qaatay madaxda Jubaland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed
Cali Gaas iyo wafdigii uu hogaaminayey ee tagay magaalo madaxda maamulka
Jubba-land ee Kismaayo  ayaa maanta 04 March ,2015 kulan muhiim ah ku
yeeshay aqalka Madaxtooyada Jubba-land ee magaaladaas.

Qaybtii hore ee kulanka waxaa si wada jir ah u shir gudoominayey
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo
Madaxweynaha Jubba-land Axmed Max’ed Islaan “Axmed Madoobe” , waxaana
shirku intuu socday looga wada hadlay qodobo muhiim u ah xiriirka laba
dhinac iyo horumarka dalka oo dhan.

1. Xagga Siyaasadda.

Labada Dawladood waxay ku heshiiyeen in aragti isku mid ah laga yeesho
Hiigsiga 2016 ee Soamlia, lana dar-dargeliyo nidaamka federaalka
Somalia.

2. Arrimaha Amniga.

Waxaa lagu heshiiyay in si wada jir ah loola dagaalamo kooxda Al-shabaab
Iyo in ciidamada Police-ka lagu taba baro Kulliyada Taba-barada Ciidanka
Police-ka ee Carmo.

3. Xoojinta Xiriirka Ganacsi ee Puntland Iyo Jubba-land.

Waxa sidoo kale la isla soo qaaday in la xoojiyo ganacsiga Ka dhexeeya
Puntland iyo Jubba-land.

4. In Jubba-land laga Caawiyo Dhisidda Hay’adaha Dawladda.

Waxaa shirku intii uu socday lagu heshiiyay in Dawladda Jubba-land laga
Caawiyo dhisidda iyo kobcinta hay’adaha kala duwan ee Dawladda Jubba
Land.

Qaybtii danbe ee shirka waxaa isu soo haray xubnaha golayaasha Dawladaha
Puntland iyo Jubba-land iyagoo si faah-faahsan uga hadlay qodobadii
ajandaha ku qornaa ee shirku ku saabsanaa.Shirku markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiiro ka

tirsan Dawladaha Puntland iyo Jubba-land waxayna sheegeen in si qota dheer
la isula qaatay qodobadii laga wada hadlay oo dhan, kuwaas oo ay ugu
muhiimsanayd in la dar dargeliyo is dhaafsiga xogta iyo wada shaqaynta
labada dhinac isla markaana loo diyaar garoobo barnaamijka hiigsiga cusub
ee 2016.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas  iyo wafdiga a socda oo ay weheliyaan Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Max’ed Islaan “Axmed Madoobe” iyo masuuliyiinta kala duwan ee maamulkaas ayaa maanta 04 March, 2015 soo kormeeray dekeda weyn ee magaalada Kismaayo, qaar ka mid ah hay’adaha Dawladda Jubba-land ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Max’ed Islaan “Axmed Madoobe” ayaa warbixin faah-faahsan ka bixiyay qaabka ay u shaqayso dekedda magaalada Kismaayo, isagoo tilmamay in ay muhiimad weyn u leedahay Dawladda Jubba-land isla markaana ay mustaqbalka dhow ballaarin doonaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa ku amaanay Dawladda Jubba-land iyo madaxdeeda waxqabadka muuqda ee ay sameeyeen mudadii yarayd ee ay xilka hayeen iyo sida wanaagsan ee ay uga shaqaynayaan horumarinta Jubba-land iyo shacabka ku dhaqan.

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

–DHAMMAAD–

IMG_5910IMG_5912IMG_5931IMG_5948IMG_6008IMG_6129IMG_6152IMG_6182IMG_6188IMG_6267IMG_6281IMG_6287IMG_6346IMG_6422IMG_6460IMG_6464IMG_6466IMG_6468IMG_6471IMG_6480IMG_6484IMG_6488IMG_6494IMG_6516IMG_6521IMG_6524IMG_6526IMG_6530IMG_6534IMG_6538IMG_6543IMG_6544IMG_6554IMG_6557IMG_6589IMG_6591IMG_6597IMG_6600IMG_6603IMG_6605IMG_6614IMG_6620IMG_6625IMG_6628IMG_6630IMG_6631IMG_6633IMG_6649IMG_6658IMG_6662IMG_6669IMG_6685IMG_6695IMG_6701IMG_6706IMG_6709IMG_6723IMG_6724IMG_6732IMG_6734IMG_6743IMG_6749IMG_6763IMG_6764IMG_6772IMG_6783IMG_6787IMG_6791IMG_6792IMG_6802IMG_6804IMG_6811IMG_6819IMG_6834IMG_6838IMG_6844IMG_6853IMG_6859IMG_6863IMG_6876IMG_6881IMG_6884IMG_6886IMG_6905IMG_6916IMG_6926IMG_6989IMG_7024IMG_7075

*Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada
Dawladda Puntland. –DHAMMAAD–*

Puntlandes.com

About The Author