Gudoomiyaha Gobalka Bari oo Cabsi Dartiis uga qaxay Gurigiisii degayna Hotel ku yaal Bosaso

Cabsidii ugu xumayd abid ayaa soo wajahday Gudoomiyaha Gobalka Bari ee Puntland Mudane Cabdisamad maxamed Galan ka dib markii 27 Feb 2015 xili Habeen ah ay kooxo ku hubaysan AK47 werareen Guriga Gudoomiuyaha uuna ku dhintay Hal Askari ayna ku  dhaawacmeen qaar ka tirsan istaafka Gudoomiye Galan.

Waxa la rumaysanyahay inay dablayda weerar gaystay ay ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab, dhacdadaas ka dib ayaa waxaa Gudoomiye Galan soo wajahday sas iyo cabsi xoogan.

Weerarkaas ka dib ayuu Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad maxamed Galan ka qaxay gurigiisi oo ku yaalay xaafada New Boosaaso ee Magaalada Boosaaso. Cabsida soo wajahday Gudoomiyaha Gobalka ayaa waxay sababtay inuu soo dago mid kamid ah Hoteelada Caanka ka ah Magaalada Boosaaso ,isagoo naftiisa ku aamini waayey meel kale cabsi darteed.

Dowlada Cabdiweli Gaas oo ah dowlad Fadhiid ah afkana ka nool ayaa dayacday shacabka Puntland oo ku aaminay naftooda iyo mustaqbalkooda. Waxa kaliya ee xukuumada Gaas ku caan baxday waa Xafladjoognimo.

Puntlandes.com

 

About The Author