Xulista xildhibaanada Jubaland oo Bari ka bilaamanaysa Kismaayo

Maalinta Bari ah ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo xulitaanka xildhibaanada Jubaland. Odayaasha dhaqanka ee Beelaha dega Jubaland ayaa lagu balamayo in maalinta Bari ah saacadu markay tahay sideeda subaxnimo iska xaadiriyaan xarunta caymiska halkaas oo uu ka furmi doono kulan balaadhan oo ay goobjoog ka noqon doonaan urur goboleedka IGAD.

Xulitaaanka xildhibaanada Jubaland ayaa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo muda 15 maalmood gudahood oo ka bilaamaysa shalay oo taariikhdu ahayd 07/03/2015. Qorshuhu waxa uu yahay in 22/03/2015 ay Jubaland yeelato Baarlamaan dhameystiran isla mar ahaantaana ay u taam noqoto dawladnimada Jubaland.

Puntlandes.com

About The Author