Xog: Gaas oo DFS ka diiday dalabkiisii ahaa in Xil Saado lagu aaso Puntland

0

Gaalkacyo (PES) Madaxweyne Gaas ayaa si aan horay looga baran oo gabasho lahayn u dalbaday in lagu aaso Puntalnd maydka xil Saado. Dalabkaas uu Gaas dalbaday waa ka diiday DFS waxayna bedelkiisii u ogolaatay in uu Gaas soo dirsado Xamar wafti booqda Qabriga lagu aasay xil Saado Cali.

Isla markiiba Gaas waa ka aqbalay DFS wuxuuna magaacay gudi uu Xamar u diray si ay u soo booqdaan Qabriga xil. Saado

Gudiga uu Gaas u diray Xamar

1-Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cali Axmed Faatax.
2-Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan.
3-Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdule,
4-Wasiiro ku xigeeno,
5-odayaal
6- Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Gaas.

Guddigu waxay shaqadoodu tahay, (ooy Dowlada federaalku u ogolaatay) in ay booqdaan Qabriga Marxuumad xil Saado Cali.

Halkaan ka dhageyso codadka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Wuxuu Gaas si aan gabasho lahayn uga dalbanayaa DFS in lagu aaso xil Saado Puntland

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *