Sawiro: Shirwayne looga hadlayey ka hortaga Qaadka oo magalada Bosaso lagu qabtay

Shirwayne ballaaran oo looga hadlayay ka hortaga Qaadka ayaa maanta oo Arbaco ah lagu qabtay hoolka shirarka Jaamacadda Bariga Africa ee magalada Bosaso, waxana kasoo qayb galay mamulka Gobalka Bari, kan degmada,Jaamacadda Bariga Africa,Al-Minjaah,Golis,Aqoon yahano,Ardaydda Jaamacadaha,Culimo udiin, ganacsato iyo qaybaha shacabka Gobalka Bari.

26Ahmiyadda shirkan ayaa ahaa sidii loo heli lahaa aragti midaysan oo ku aadan joojinta qaadka, maadama uu saamayn dhan kasta leh ku yeeshay qoysaska Soomaaliyeed iyo waliba horumarka dalka ka socda.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Bariga Africa Khadar Maxamuud Ciise oo ugu horayntii kulanka ka hadlay ayaa muujiyay sidey ugu faraxsan yihiin markii ugu horaysay shir intaasi leeg oo looga hadlayo aafooyinka qaadka iyo sida loo joojin karo ka qabsoomo Puntland gaar ahaan magalada Bosaso, masuulkani wuxuu sheegay inay soo dhawaynayaan wax kasta oo dhibaato ku ah umadda Soomaaliyeed in la dabar jaro oo la suuliyo.

Shiikh Daahir Aw-Axmed oo ka mid ah culimadda ugu caansan Soomaaliya ayaa kasoo qayb galayaashii shirka u sheegay inay muhiim tahay inay mideeyaan awoodooda isla markasna laga wada qayb qaato joojinta Qaadka.

”Haddii aanu dhammaanteen u istaago Qaadka waan tir-tiri karnaa, waxaan soo jeedinayaa Qaadka in laga saaro magaalooyinka, Qabaa’iladda waxaan ugu baaqayaa inaysan nin Qaad cunna oo sigaar ah oo tubaako afka ku qaada inaysan soo galin Baarlamaanka, illaahay wuxuu qadarey wadankan madaxdii soo martay inaysan qaad iyo sigaar cunin”.Shiikh Daahir ayaa yiri.

Ustaad Faarax Axmed Muuse oo Cilmi baaris ku sameeyay dhibaatooyinka qaadka iyo dhaqaalaha ku baxa kana mid ah barayaasha Jaamacadda Bariga Africa ayaa shirka kusoo bandhigay war bixin dhinac kasta ka eegaysa qaadka iyo marxaladihii uu soo maray iyo siduu saamaynta gaarka ah ee dhaqaale ugu yeeshay Qoysaska Soomaaliyeed.

Dhammaan mas’uuliyiintii shirka ka hadlay oo ragg iyo dumar iskugu jiray ayaa isku raacay in Qaadka lala dagaalamo, sidoo kale waxay dowladda ugu baaqeen inay Qaadka go’aamo muuqda kasoo saarto maadama uusan anficiisa danbe ahayn mid diinta Islaamku ogoshahay.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallen ayaa soo dhaweeyay olalaha la-dagalanka Qaadka iyo shirkan Jaamacadda ka dhacay, sidoo kale waxa uu tilmaamay inay dowrkooda kaga qaadan baaqyadda loosoo jeediyay ay ka qaadan doonaan.

Ugu danbayntii Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuuker Cawaale ”Qaaddiid” ayaa soo jeediyay khudbad dheer oo xamaabrsan Qaadka iyo halgankii uu kasoo maray, sidoo kale waxa uu shegay wacyi galintani inay waajib ku tahay qof kasta oo Soomaali ah inuu qaado isla markasna gaarsiiyo dowladda iyo qoysaskiisa.

Suugaan iyo Riwaayad ka hadlaysa Qaadka iyo dhibaatooyinka Qoysaska Soomaaliyeed iyo goobaha waxbarashaddu ku yeeshay ayaa lagu soo bandhigay shirka,waxaana ugu danbaytii la muujiyay in halganka joojinta Qaadka lasii xoojiyo oo maalinta 25-Febraayo ee sanad kasta la xuso maalinta joojinta qaadka.

2

13 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34

Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
DHAMMAAD
Qaaddiid2015@gmail.com

About The Author