Sawiro: Madaxweyne Gaas oo la kulmay Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Nicholos Kay

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta oo ay taariikhdu tahay 11-3-2015 Aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay iyo wefdi balaaran oo  uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa kullan gaar ah la qaatay Danjire Nicholos Kay waxaana ay kawada hadleen horumarka baaxada leh ee ka soconaya Puntland, la dagaalanka koox diimeedka Ururka Al-shabaab, hiigsiga cusub ee Soomaaliya 2016 iyo guud ahaan Soomaaliya isbadalka lagarabo.

Kullanka ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta qaybaheeda kala duwan shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay, waxana ay ka warbixiyeen kullankoodi waxa ka soo baxay.

‘’Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta aanu halkaan ku soo dhaweyno Wakiilka Xoghaya Guud ee QM ee  Soomaaliya oo maanta nagu soo booqday Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland, imaanshihiisana waan ku faraxsanahay waana markii todobaad oo uu noo yimaado ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Runtii wada hadalakayagii waxaa uu ahaa mid sifiican u soo dhammaaday, waxaan rajaynaynaa inaanu wada shaqayn dhow yeelano si aan u sii amba qaadno geedi socodka nabada Soomaaliya Insha’allah ”Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Danjire Nicholos Key ayaa isna dhankiisa Madaxeynaha uga mahadceliyey soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaana uu ku amaanay dadaalka horumarineed ee uu madaxweyne Gaas kawada gudaha Puntland iyo guulaha waaweyn ee uu gaaray mudadii yarayd ee uu hogaanka hayey.

Dhinaca kale Danjire Nocholos Key ayaa Madaxweynaha ku amaanay Guusha ay Puntland ka gaartay  dagaaladii Galgala isagoona ciidanka Puntland ugu hambalyeeyey dhabarjabka xooga leh ee ay u gaysteen koox diimeedka Ururka Al-shabaab.

Sidookalana Madaxweyne Gaas ayuu ku amaanay talaabada wanaagsan ee uu dhinaca dimuqraadiyada uu horay u qaaday iyada oo xili dhow gudiga doorashooyinka Puntland lagu dhawaaqi doono, islamarkaana waxaa uu sheegay in UN-ka, EU iyo Hay’addaha kale ee caalamka ee daneeya dhanka dimuqraadiyada ay  ka caawin doonaan Puntland taabagelinta dimuqraadiyada xili dhow oo ku siman bisha afaraad ilaa bisha shanaad, Danjire Nicholos Key ayaa waxaa uu si buuxda u tilmaamay in dawladda Puntland si dhab ah dhinac walba uga taageeri doonaan.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

IMG_9882 IMG_9887 IMG_9899 IMG_9905 IMG_9907 IMG_0002 IMG_0006 IMG_0008 IMG_0015 IMG_0048

 

Puntlandes.com

About The Author