Sawiro: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas oo daahfuray Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11-3-2015 si rasmi ah u daahfuray Mashruuc lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo.

Kahor inta uusan Madaxweynuhu ka qeyb gelin munaasibad balaaran oo loo qabtay daahfurida mashruucaas ayuu kullan xog waraysi ah Xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha wadanka Norway ee Soomaaliya Mr.Patter Holtedahl, kullankaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta mashaariicda ee dawladda Norway ka fuliso Puntland iyo sidii ay NGO -yada wadanka Norway ee ka howlgala Puntland loo dardar gelin lahaa islamar ahaantaana loo kordhin lahaa.

Sidookale waxaa laga wada hadlay jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya iyo guud ahaa Gobolka intiisa kale sidii laysaga kaashan lahaa ladagaalanka Argagixisada, xoojinta amniga iyo kobcinta dhaqalaaha.

Madaxweynaha ayaa islamaanta gelinkii hore ka hor intaanu ka qeyb gelin xafladii daahfurka wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo sidookale Danjiraha Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Andreas Pesxhke.

Kullanka kadib ayaa Madaxweynaha iyo danjirayaashu ay si wadajir ah hoolka Wasaarada Caafimaadka ee Dawladda Puntland ugu fureen Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo.

Xafladda lagu daahfurayey Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland , Isimo, Waxgarad, Aqoonyahano, Maamulka Gobolka Nugaal , Maamulka Degmada Garoowe, masuuliyiin ka socday Hay’adda wadooyinka Puntland iyo marti sharaf  kale.

” Wadadaan waa mida keliya ee isku kaaya xiraysa anaga iyo inbadan oo Soomaaliya kamid ah, mashaariicda hada aanu dalka ka wadno oo hirgelaya ayuuna kamid yahay ” Ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale sheegay in mashruucaan faa’iido weyn ugu jiro shacabka reer Puntland, waxaana ku baxaya dhaqaale dhan 21-million, 18-million oo kamid ah lacagtaas waxaa bixinaya midowga yurub halka 3-million oo kalana ay bixinayso Dawladda Jarmalka, waxaana fulinaya mashruucaan Hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee Jarmalka GIZ

” Hadaanu rabno in aanu xooga saarno wax soo saarkayaga sida maalgashiga dhanka xoolaha, maalgashiga dhanka beeraha, Kalluumaysiga waxaasi ma hirgelayaan mana soconayaan hadaan la helin kaabayaasha dhaqaalaha isku xiri lahaa ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

” Saaxiibadayada caadaystay oo afmiishaarnimo darbiyada la fadhiya dawladda yaysan ku mashquuline haku mashquulaan wax soo saar, horumar iyo dawladnimo ” Ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ambassadorka Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Andreas Pesxhke ayaa dhankiisa balan qaaday in dawladda Jarmalka ay sii laba jibaarayso mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayaan gudaha Puntland.

” Midowga yurub iyo Dawladda Jarmalka waa saaxiibada Dawladda Puntland ” Ayuu hadalka ku soo gebagebeeyey Danjiraha Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Andreas Pesxhke oo markii ugu horaysay Puntland booqasho ku yimi.

Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’urso ayaa isna dhankiisa sheegay in Midowga yurub ay ka go’antahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Puntland, mashruucaana uu sidii loogu talagay u fulayo.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_9633 IMG_9636 IMG_9640 IMG_9646 IMG_9692 IMG_9699 IMG_9705 IMG_9707 IMG_9709 IMG_9710 IMG_9711 IMG_9716 IMG_9721 IMG_9722 IMG_9728 IMG_9730 IMG_9731 IMG_9733 IMG_9734 IMG_9740 IMG_9741 IMG_9747 IMG_9752 IMG_9757 IMG_9761 IMG_9763 IMG_9764 IMG_9771 IMG_9774 IMG_9777 IMG_9783 IMG_9784 IMG_9787 IMG_9789 IMG_9800 IMG_9802 IMG_9807 IMG_9810 IMG_9821 IMG_9831 IMG_9836 IMG_9848 IMG_9859 IMG_9864 IMG_9869 IMG_9873

 

Puntlandes.com

About The Author